Caawiyaha tababaraha xulka England Jimmy-Floyd Hasselbaink ayaa la sheegay inay isku dhaceen qaar ka mid ah ciyaartoyda xulka Brazil waqtigii nasashada ee kulankii ay Brazil 1-0 kaga badisay England.
Hasselbaink ayaa sidoo ku qeyliyay garsooraha afaraad ee ciyaarta ka hor inta aan xaalada la dejinin.
Shaqaalaha tababarka xulka England ayaa ka careysnaa kubada xooga ah ee ay Brazil ciyaareysay gaar ahaan sida ay u la dhaqmayeen Jude Bellingham oo dhowr jeer qalad lagu galay.
Sida ay sheegtay Channel 4, weeraryahankii hore ee Chelsea Hasselbaink ayaa qeylo kala duldhacay ciyaartoyda Brazil ee ku sii jeeday qolka labiska iyo sidoo kale garsooraha afaraad isagoo dhahayay ” Hal, labo, seddex afar ma ahan… waa dhowr qalad”
Daafaca xulka Brazil ayaa ka dib bilaabay inuu la murmo Hasselbaink balse waxa uu ku hadlayay luqada dalkiisa ee Bortuqiis.
England ayaa guuldarro ay ku soo gaartay garoonkooda Wembley ka dib markii Endrick uu goolka guusha u dhaliyay Brazil ciyaarta oo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay.
England waxay kulankeeda labaad ee saaxiibtinimo la ciyaari doontaa xulka Belgium maalinta Talaadada halka Brazil ay u safri doonto xulka Spain oo guuldarro todobaadkan kala kulmay Colombia.