Endrick ayaa taariikh sameeyay isagoo dhaliyay goolkii guusha ay Brazil kaga badisay England kulankii ka dhacay Wembley shalay oo Sabti aheyd.
Tababare Dorival Junior ayaa magacaabay koox uu shaxdeeda isku dhafay kulankii saaxiibtinimo iyadoo Brazil ay ciyaarsiisay todoba ciyaaryahan oo markoodii ugu horeysay u dheelay Brazil, wuxuuna 17 jirkaan ku soo bilowday kursiga keydka.
Brazil waxaa soo martay fursado badan oo ay hogaanka ku qaban kareen laakiin waa ay u suurtogeli weysay iyadoo qeybtii hore goolal la’aan lagu kala maray.
Qeybtii labaad iyadoo ciyaarta ay weli barbaro tahay waxaa la soo geliyay Endrick oo bedelay Rodrygo, wax yar markii uu garoonka ku jiray waxa uu dhaliyay goolka guusha isagoo la faa’ideystay kubada uu soo bixiyay goolhaye Jordan Pickford ka dib darbo ka timid Vinicius Jr.
Xiddigaan oo da’diisa ay tahay 17 sanno iyo 246 maalmood waxaa uu Endrick noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid ee gool ku dhaliya garoonka caanka ah ee Wembley.
Waxa uu sidoo kale noqday xiddigii afaraad ee ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Brazil taariikhdooda, waxa uu ka danbeeyaa halyeeyo waa weyn sida Pele iyo Ronaldo.
Sidoo kale waxa uu England ka jabiyay rikoodhkoodii Wembley iyadoo aan garoonkaan looga badinin tan iyo bishii October 2020 markaasoo ay guuldarro ka soo gaartay Denmark iyadoo waqtigaas uu Endrick 14 sanno jir ahaa.
Endrick ayaa xagaagan u tagaya kooxdiisa Real Madrid oo sannad ka hor ku iibsatay 62 milyan ginni.