Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa laga qab-qabtay tababare Jurgen Klopp oo uu doonayey inuu la dagaallamo kaddib muran ku dhax-maray laynka garoonka ciyaartii ay barbarraha niyad-jabka ah ay la galeen West am United.
Liverpool oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 2-1 ayaa waxa uu tababare Jurgen Klopp go’aamiyey inuu soo beddelo oo ay ciyaarta soo galaan Mohamed Salah iyo Darwin Nunez oo uu kaydka dhigay, balse intii aanay soo gelin garoonka ayaa Michail Antonio uu dhaliyey goolka barbarraha West Ham ee ciyaarta ka dhigay 2-2.
Liverpool oo toddobaadkii hore guul-darro 2-0 ah kala soo kulantay Everton, ayaa uu tababare Klopp fadhiisiyey Mohamed Salah iyo Darwin Nunez oo bandhig liitay sameeyey ciyaartaas, ayaa waxa Salah iyo Nunez ay soo istaageen daqiiqaddii 75aad, balse kubadda oo hore u bixi weyday ayaa keentay inay illaa laba daqiiqadood sii taagnaadaan laynka oo ay beddelka sugaan.
Jurgen Klopp ayaa u tegay Mohamed Salah iyadoo kooxdiisa laga dhaliyey goolka barbarraha, waxaana uu ku yidhi hadal aan la garanayn waxa uu ahaa, balse xiddiga reer Masar oo faraha taag-taagaya ayaa usoo dhaqaaqay dhinaca tababarihiisa.
Salah ayaa si cadho leh ugu soo dhaqaaqay Jurgen Klopp oo isaguna dib uga siqayey, waxaana soo kala dhax-galay Darwin Nunez oo qabtay Mohamed Salah oo wali muujinayey inuu u cadhaysan yahay tababaraha reer Germany.
Halkan ka daawo sidii ay wax u dhaceen:
Salah kicking off at Klopp before coming on 😳
— Anfield Edition (@AnfieldEdition) April 27, 2024