Tababare Thomas Tuchel ayaa ogolaaday inuu sii joogo kooxdiisa Bayern Munich, laakiin waxa uu ka dalbaday inay siiyaan damaanad ah inay u keenayaan kubbad-burburiye iyo kubbad-sameeye suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana xiddigaha lala xidhiidhinayo ka mid ah kabtanka Man United ee Bruno Fernandes oo 29 jir ah. (Independent)
Chelsea ayaa si cad ugula biirtay PSG tartanka weerarayhanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo la filayo in uu ka tago Napoli xagaagan. 25 jirkan ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa 100 milyan oo Euro. (Caught Offside)
Real Madrid waxa ay si dhab ah u doonaysaa difaaca bidix ee reer Canada ee Alphonso Davies oo qandaraaskiisa Bayern Munich uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay. (COPE)
Napoli ayaa beddelka Victor Osimhem ka heshay Atletico Madrid oo ay ka doonayso 20 jirka weerarka ah ee Samu Omorodion oo hadda amaah ugu maqan Alaves. (Sky Sports Italia)
Tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa helay taageerada qaar ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan boodhka maamulka kooxda oo doonaya inuu sii joogo Stamford Bridge. (Guardian)
Napoli ayaa sidoo kale doonaysa weeraryahanka reer England ee Mason Greenwood oo xagaagii ay Manchester United amaah ku siisay Getafe, laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan Juventus oo iyaduna doonaysa inay la saxeexato 22 jirkan. (Corriere dello Sport)
Atletico Madrid ayaa sidoo kale doonaysa inay la saxeexato Mason Greenwood. (Star)
Khadka dhexe Chelsea iyo England ee Conor Gallagher ayaa la sheegay in aanu doonayn inuu tago Newcastle United oo xiisaynaysa 24 jirkan. (Football Insider)
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay Espanyol u shubto lacag dhan 1.5 milyan oo Euro, waxaanay si rasmi ah ula saxeexan doontaa weeraryahanka reer Spain ee Joselu Mato oo xagaagii ay amaah kaga soo qaateen Espanyol. (Sport)
Xiddiga Brazil ee Philippe Coutinho oo waqtigan amaah ugu maqan kooxda Al-Duhail SC ee waddanka Qatar ayaa doonaya inuu dib ugu laabto waddankiisa Brazil oo uu kaga biirayo kooxdiisii hore ee Vasco da Gama. (TNT Sports)
Juventus waxa ay ka fiirsanaysaa inay shaqada ka erido tababare Massimiliano Allegri inkasta oo uu toddobaadkan u qaaday Coppa Italia. (Sky Sports)
Thiago Motta ayay Juventus u bandhigtay heshiis saddex sannadood ah oo ay ku doonayaan inuu ku noqdo macallinkooda cusub ee beddelaya Maxi Allegri. (Fabrizio Romano.)