Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay xiddiga Premier League ee uu neceb yahay oo uu ka tegayo horyaalka Premier League isaga oo calool-xumo u haya.
Axadda ayaa noqon doonta ciyaartii ugu dambaysay ee Jurgen Klopp uu tababaro Liverpool, waxaana lagu sii sagootin doonaa garoonka Anfield oo ay kula ciyaarayaan Wolves, taas oo soo afjaraysa sagaal sannadood oo uu macallinka reer Germany laylinayey Reds.
Jurgen Klopp oo sagaalkii sannadood ee uu joogay Anfield u qaaday toddoba koob oo ay ku jiraan Premier League oo ay 30 sannadood ka qatanaayeen iyo Champions League ayaa la weydiiyey ciyaartoygii ugu necbaa intii uu joogay horyaalka Premier League, waxaana uu markiiba lasoo booday xiddiga reer England ee James Maddison oo joojin waayey kabtankii hore ee Manchester City ee Vincent Kompany oo sannadkii 2019 uu iskaga hadhay kubbad uu difaaci karayey, taas oo uu keentay in Kompany uu dhaliyo isla markaana kooxdiisu horyaalka Premier League ku guuleysato.
Kompany ayaa kubadda kasoo qaatay khadka dhexe iyadoo uu hor taagan yahay James Maddison ayaanu darbad xooggan qabadsiiyey, waxaanu ku hubsaday shabaqa, sidaasna waxa ay kooxdiisu hal dhibic ku dhaaftay Liverpool oo hore hoggaanka u haysay.
Klopp oo u warramay Redmen TV ayaa sheegay in uu calool-xumo u hayo James Maddison oo fursadda uu bixiyey ay sababtay in Liverpool laga qaado horyaalka Premier League.