Kooxda kubadda cagta Barcelona waxay xalay laga cidhib-tiray tartanka Copa del Rey oo ay Athletic Bilbao ku garaacday 4-2 kulan lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa markii ay labada kooxood natiijo 2-2 ah ku dhamaysteen 90kii daqiiqadood.
Guul-darrada Barcelona ee xalay, waxa u raacay saddex ciyaartoy oo ay dhaawacyo soo gaadheen, kuwaas oo laba ka mid ah laga saaray garoonka iyadoo ciyaartu socota, halka laacibka kalena uu ciyaarta dhamaystay isaga oo xanuun dareemaya.
Difaaca bidix ee Alejandro Balde ayaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 20aad markii uu dhulka jiibsaday isaga oo is-haya muruqa lugta midig, waxaana lagu beddelay laacibka da’da yar ee Adu Ares.
Barcelona waxay shaacisay in ay maanta baadhitaanno ku samaynayso Balde, hase yeeshee saxaafadda Spain ayaa sii sheegtay, in muruqa oo banjaray laacibkan uu dhawr kulan ka maqnaan doono.
Waxa kale oo Barcelona ka dhaawacmay intii ay ciyaartu socotay difaaca dhexe ee reer Denmark ee Andreas Christensen oo garoonka ka baxay, halka Ronald Araujo uu saxaafadda u sheegay inuu xanuun ku ciyaarayay oo uu toddobaadyadii ugu dambeeyeyba dareemayay xanuun jilibka ah.
Christensen oo dhaawac ku seegay kulankii Real Betis ayaa uu Xavi ku aaminay ciyaartii Athletic Bilbao, waxaana markii uu xalay dib u dhaawacmay booskiisa yimid Pau Cubarsi oo kooxda da’yarta ah.
Laacibka ugu muhiimsan ee uu dhaawaciisu walaaca gelinayo Barcelona waa Ronald Araujo oo ciyaarta kaddib saxaafadda u sheegay dhaawaciisa, isaga oo yidhi: “Runtu waxay tahay in aan xanuun dareemayay. Dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyeyba sidan ayaan ahaa, laakiin aniga ayaa doonayay inaan ciyaaro.”
Barcelona ayaa waxa hore uga dhaawacnaa Ter Stegen, Gavi, Raphinha iyo Marcos Alonso.