Supercomputer ayaa saadaaliyey natiijooyinka ciyaaraha FA Cup oo wareeggiisa afraad la dheeli doono usbuucan, waxaana uu sii kala saaray Manchester City iyo Tottenham oo maryo dhiig leh kala furan doona, halka Chelsea iyo Aston Villa uu iyagana ciyaartooda sii sheegay natiijada ay ku damaan doonto.
Kooxda tababare Pep Guardiola oo ah naadiga difaacanaya Koobka, ayaa waxa ay booqan doontaa Tottenham oo ay ugu tegayso London, iyadoo la ogaa in kulankii horyaalka Premier League ee labadan kooxood ee bishii December in iyagoo ku sugan garoonka Etihad Stadium ay ku heshiiyeen barbarro 3-3 ah.
City ayaa u malaynaysay inay guuleysan doonto markii uu Jack Grealish u dhaliyey goolka saddexaad daqiiqaddii 81aad, laakiin Dejan Kulusevski ayaa dhamaadkii ka dhaliyey goolka barbarraha, sidaasna waxay ugu heshiiyeen min hal dhibic.
Labada kooxood midkoodna ma filayo in markan ay barbarrayn doonaan, sababtoo ah waxa qasab ah inay kala baxaan oo midkood ay usoo gudubto wareegga shanaad, balse Supercomputer ayaa sii saadaaliyey inay guushu raaci doonto Tottenham.
Waxa kale oo uu Supercomputer saadaaliyey natiijada ciyaarta Chelsea iyo Aston Villa ee FA Cup oo uu libinta siiyey Aston Villa, taas oo haddii ay rumowdo Chelsea ka cidhib-tiraysa koob ay ku tartamayeen, halka Manchester United iyo Liverpool oo la kala dheelaya Newport County iyo Norwich City uu Supercomputer siiyey guul.
Halkan kaga bogo sida ay kooxuhu iskugu beegan yihiin iyo naadiga soo gudbaya
qaab qoraalka iska hagaajiya , qaladaad badan ayaa ku jira marka aad maqaal qoraysaan ,
tu saale imaka chalsea vs Aston villa qaabka super computer uu u sadaaliyay umaydun soo qorin…
chalsea 51% Aston villa 32% fadlan qoraalka u fiirsada .