Kooxda Barcelona ayaa hal habeen laga soo reebay laba tartan kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Paris Saint-Germain xalay.
Barcelona ayay u aheyd xilli ciyaareedkan mid xun, laakiin waxay moodayeen inay u soo gudbayaan semi-finalka Champions League.
Todobaadki hore kooxda Xavi ayaa guul cajiib ah oo 3-2 ah waxay Paris kaga soo gaartay PSG lugtii hore ee wareega sideed dhamaadka.
Inkastoo ay hogaanka u qabteen ciyaartii lugtii labaad, hadana fursadooda ayaa daaqada ka baxday markii Ronald Araujo uu casaan toos ah qaatay.
Barcelona ayaa ugu danbeyn looga badiyay 4-1 taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan labada lug lagu garaacay 6-4.
Guuldaradaan kaliya kama aysan reebin Champions League, laakiin waxay sidoo kale ka hareen koobka la balaariyay ee FIFA Club World Cup ee 2025.
12 kooxood oo reer Yurub ay ayaa ka qeyb galaya tartanka ka dhacaya Mareykanka oo ay ku jiraan kooxaha ku guuleystay Champions League intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2024 – Chelsea, Real Madrid, Manchester City & kooxa sannadkan ku guuleysaneysa.
Sideeda kooxood kaliya waxaa lagu go’aaminayaa qiimeynta kooxaha ee UEFA laakiin inkastoo ay Barcelona kaalinta 7aad uga jirto kooxaha soo haray ee qiimeynta hadana uma soo baxayaan tartanka.
Sababtoo ah lama ogola in labo kooxood ka badan ay hal wadan ku matalaan tartanka.
Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa labadaba laga reebay Champions League xalay, laakiin Atletico Madrid ayaa dhanka qiimeynta UEFA ka sareysa Barcelona.
Sidaasi darteed Atletico Madrid ayaa Real Madrid kula biiri doonta matalaada Spain ee tartanka FIFA Club World Cup.
Kooxaha kale ee xaqiijistay booskooda Club World Cup waxay kala yihiin Bayern Munich, PSG, Inter Milan, Porto, Benfica, Borussia Dortmund, Juventus iyo midkood FC Salzburg ama Arsenal.