Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa halis ugu jirta inay lumiso dheemankeeda cusub ee usoo baxay ee xilli-ciyaareedkan kasoo muuqanayay garoomada, kaas oo la ogaaday in qiime aad u hooseeya lagu burburin karayo qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa.
Chelsea ayaa u badheedhaysa inay weeerar ku qaaddo Barcelona oo ay kasoo qaadato wiilka dahabiga ah ee Pau Cubarsi oo ay da’diisu tahay 17 jir, isla markaana dhawr kulan oo uu u dheelay kooxda koowaad bandhig fiican ka sameeyey.
17 jirkan oo kasoo dallacay kulliyadda La Masia, waxa uu u saftay kooxda tababare Xavi lix ciyaarood oo uu saddex ka mid ah kusoo bilowday horyaalka LaLiga, waxaanay taageereyaasha kooxdu ku tilmaameen inuu yahay ‘New Gerard Pique’.
Difaacan dhexe oo Barcelona kula jira heshiis soconaya illaa sannadka 2026 ayaa waxa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa £8.5 milyan oo Gini oo kaliya, sida uu sheegay wargeyska Mundo Deportivo.
Kooxo badan oo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Manchester City iyo Chelsea ayaa indhaha ku haya laacibkan, waxaase aan xiisaheeda qarsoodi ka dhigin Chelsea.