Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay sameyso wax walba oo ku yareyn karto khasaaraha uu u geysanayo bixitaanka Kylian Mbappe oo ku biiraya Real Madrid xagaaga.
Xiddiga Faransiiska ayaa ku biiri doona Los Blancos, waxaana milkiilaha PSG Al Khelaifi uu durba bilaabay inuu raadiyo ciyaaryahan soo celin kara rajada kooxda Faransiiska oo aragtay labo sanno gudaheed iyadoo ay ka tagayaan Messi, Neymar iyo haatan Mbappe.
PSG waxay u dooratay inuu Kylian Mbappe u bedelo Lamine Yamal. Waxayna doonayaan inay lacag waali ah kula soo wareegaan.
Sida ay qortay jariirada Marca, kooxda Faransiiska waxay diyaar u tahay inay ka bixiso ciyaaryahan 16 sanno jir ah 200 milyan euro.
Waxay taasi ka dhigeysaa hishiiskii labaad ee ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta. Midkii horena waxaa uu ahaa mid u dhaxeeyay PSG iyo Barcelona iyadoo PSG ay lacag rikoodhka adduunka ah kula wareegtay Neymar.
Barcelona ayaa durba ogsoon xiisaha PSG ee ciyaaryahanka iyo lacagta ay diyaarka u yihiin inay ka bixiyaan. Waana sababta wakiil Jorge Mendes uu ugu safray Barcelona todobaadkan si uu u la kulmo madaxweynaha Barca Joan Laporta isagoo ku wargeliyay xiisaha PSG ee Yamal.
Jawaabtii uu ka helay madaxweynaha Barcelona ayaa aheyd in kooxda reer Spain ay marnaba iibineynin Lamine Yamal xitaa dalab 200 milyan euro ah. Barcelona ayaa u aragtay Yamal hantidooda ugu muhiimsan ee La Masia ka soo baxday tan iyo Leo Messi.