Liverpool ayaa wanaagsan ka heshay doonisteeda tababare Xabi Alonso ka dib markii joornaaliistaha la ixtiraamo Ben Jacobs iyo wariyaha Bild Christian Falk ay sheegeen in Bayer Leverkusen ay beenisay in Alonso uu hishiis la gaaray Bayern Munich oo sidoo kale xiiseyneysa tababaraha reer Spain.
Todobaadyo ka hor waxaa soo baxay warar sheegaya in Bayern Munich ay ku guuleysatay saxiixa Xabi Alonso, waxaana waqtigaas la sheegay in tababaraha Bayer Leverkusen aan qandaraaskiisa la burburin karin balse ay Bayern diyaar u tahay inay bixiso 21 milyan euro oo magdhow ah.
Si kastaba, sida ay sheegeen suxufiyiinta kor ku xusan, Bayer Leverkusen ayaa beenisay in Xabi Alonso uu qandaraas la galay Bayern Munich, waxayna sidoo kale cadeeyeen in Xabi Alonso uusan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.
Christian Falk ayaa sheegay in Alonso uusan xitaa la hadlin midkoodna kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich, islamarkaana uu sugayo ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.
Dhanka kale Ben Jacobs ayaa sheegay in inkastoo aysan hubaal aheyn in Alonso uu imaanayo Anfield hadana inay jirto fursad fiican oo ay Reds ku qancin karto ciyaaryahankeedii hore inuu ka dego Liverpool.
Jurgen Klopp iyo Thomas Tuchel ayaa labada ka kala tagaya Liverpool iyo Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan taasoo keeneysa in labadaan kooxood ay ku dagaalamaan soo xerogelinta xiddigoodii hore ee Xabi Alonso oo wacdarro ka dhigaya Bayer Leverkusen.