Xiddiga Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa sheegay in Arsenal ay waqtigan ka duwan tahay sidii ay ku yaqaanneen ee ay sida fudud ugu awood sheegan jireen, xilli ay labada kooxood ku ballansan yihiin wareegga siddeedda Champions League.
Bayern Munich ayaa safar ku tegi doonta magaalada London toddobaadka dambe, halka lugta labaadna ay ka dhici doonto garoonka Allianz Arena.
Munich ayaa inta badan ku gacan-sarrayn jirtay kulamada labadan kooxood, waxaanay markii iskugu dambaysay oo ahayd sannadkii 2017 ay isku darka labadii kulan ku xasuuqeen 10-2.
34 jirkan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kooxda ay isku dhaceen ee Arsenal ay hadda tahay naadi ka duwan kooxdii ay yaqaanneen oo haysa hoggaanka horyaalka Premier League, isla markaana ay u baahan yihiin inay si adag ugu diyaar garoobaan.
“Kooxdani ma aha Arsenal aanu naqaanay ee ay Bayern Munich sida raaxada leh uga badin jirtay. Waxay noo taalla shaqo adag, laakiin waxa aan kalsooni ku qabaa in aanu garaaci doono Gunners.” Ayuu yidhi Thomas Muller.