Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa 3-1 ku garaacday Sheffield United, waxaanay si buuxda ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay laba dhibcood oo nadiif ah.
Liverpool ayaa guusheeda ku gaadhay Anfield oo waqti dambe ay u go’aamiyeen Alexis Mac Allister iyo Cody Gakpo oo 14kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey keenay laba gool xilli ay ciyaartu maraysay min hal gool.
Tababare Jurgen Klopp oo ciyaartan dib u helay ciyaartooyo dhaawac kaga maqnaa sida Curtis Jones iyo Andy Robertson, ayaa waxa bilowgiiba ay qaadday weerarro joogto ah iyadoo Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ay waqti horeba orod ku dayeen difaaca Sheffield United oo feejignaan kusoo galay ciyaarta.
Daqiqaddii 17aad ee ciyaarta ayaa Liverpool ay hoggaanka ku qabatay qalad uu sameeyey goolhayaha Sheffield United ee Ivo Grbić oo kubbad uu laaday ku dhuftay Darwin Nunez, taas oo dib ugu noqotay goolkiisa oo sidaas ay ku dabbaal-degtay Liverpool.
Goolkan ayaa noqday midka kaliya ee ka dhashay garoonka qaybta hore, iyadoo Liverpool ay heshay fursado badan oo aanay ka faa’iidaysanin.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay maraysay daqiiqaddii 58aad, ayaa kooxda martida ah ee Sheffield United ay heshay goolka madiga ah ee ay ka dhalisay ciyaarta, waxaana kubbad iska dhaliyey Conor Bradley oo iskaga oo isku dayaya inuu badbaadiyo goolka si kama’ ah ugu leexiyey shabaqiisa.
Tababare Jurgen Klopp ayaa sameeyey isbeddello si uu u xaqiijisto guul oo ay suurtogal ugu noqoto inay kaalinta koowaad ee horyaalka Premier League la wareegaan.
Alexis Mac Allister ayaa kubbad gantaal ah oo uu ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa, waxa uu ku hubsaday shabaqa iyadoo goolhayuhu uu xataa awoodi waayey inuu laaco kubaddaas.
Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayaa Cody Gakpo uu madax ku dhaliyey goolka saddexaad ee kooxdiisa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Liverpool.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay leedahay 70 dhibcood, waxaanay laba dhibcood dhaaftay Arsenal oo labaad ku jirta oo haysata 68 dhibcood, halka Manchester City ay leedahay 67 dhibcood oo ay saddexaad ku jirto.
Alaa qoraal kiinu khalad badanaa walalayaal😅😂🤣
Man city oo 77 dhibcood leh oo 3aad ku jirta kulahaa.