Xiddiga kooxda Newcastle Alexander Isak ayaa si maldahan uga hadlay mustaqbalkiisa taasoo heegan gelisay kooxda Arsenal oo xiiseyneysa xiddigaan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigayay Newcastle xilli ciyaareedkan 2023-24, isagoo dhaliyay 12 gool 20 kulan oo Premier League ah.
Qaab ciyaareedkiisa dhanka goolka hortiisa ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah oo ay ku jirto kooxda Mikel Arteta ee Arsenal kuwaas oo doonaya in ay helaan weeraryahan xagaagan.
Isak ayaa ka mid ah ciyaartoyda raadaarka u saaran Arsenal, waxaana haatan sarre u kacday fursada ay ku heli karaan xiddigaan ka dib wareysigii ugu danbeeyay ee uu bixiyay.
Isagoo hadlayay ka dib guushii Sweden ay ka gaareen Albania habeenkii Isniinta, weeraryahanka ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee sheegaya in laga yaabo inuu ka tago St James Park wuxuuna qirtay ‘waa wax dhici kara’.
Sida laga soo xigtay talkSPORT, wuxuu yiri: “Ima saameyneyso wax badan aniga. Marar badan ayaa laga hadlay suuqa kala iibsiga.
“Waxaan u arkaa mid sidaas oo kale ah. Qof kastaa wuu ogyahay in suuqa xagaaga uu soo socdo. Haddii ay wax soo baxaan, waa wax dhici kara. Laakiin dhab ahaantii kama fekero.”
Suuqii kala iibsiga Janaayo ee 2022kii, Arsenal ayaa diwaan galisay xiisaha Isak markii uu joogay Sociedad laakiin waxay ku guuldareysatay inay heshiis la gaarto kooxda reer Spain.
Dhowr bilood ka dib, Newcastle ayaa awooday inay la soo wareegto weeraryahanka, laakiin tan iyo markaas wuxuu ku sii jiray radaarka Arsenal