Tababaraha England Gareth Southgate ayaa difaacay inuu John Stones ku soo bilaabay shaxdiisa kulankii Belgium ka dib markii daafaca dhexe ee Man City uu dhaawacmay maalmo ka hor kulanka kooxdiisa muhiimka u ah ee ay la ciyaarayaan Arsenal.
Stones ayaa la bedelay bilowgii ciyaarta kulankii ay England barbaraha 2-2 Wembley kula gashay Belgium xalay ka dib markii uu ciyaaray 90kii daqiiqo ee kulankii Brazil ee habeenkii Sabtida.
England waxaa hareeyay dahaawacyo, waxayna tani jug culus u geysatay Man City oo sidoo kale uu ka dhaawacmay Kyle Walber kulankii Brazil.
Stones ayaa ka mid ahaa shan ciyaaryahan oo ceshaday booskooda ee ciyaartoydii dheelay kulankii Brazil, waxaana ku wehliyay saaxiibkiisa Man City Phil Foden, xiddiga Arsenal Declan Rice, laacibka Real Madrid Jude Bellingham iyo daafaca Chelsea Ben Chilwell.
Kooxda Pep Guardiola ayaa martigelineysa kooxda hogamineysa Premier league ee Arsenal maalinta Axada kulan muhiim u ah tartanka horyaalka, laakiin Southgate ayaa sheegay inuusan ka qoomameyneynin inuu Stones ku soo bilaabay ciyaartii xalay.
“Wax walba waan qiimeynaa. Ciyaartii Brazil ma aheyn ciyaar ay xamaasadeeda sareysay. Waxaan sameynay wixii ay Holland ku sameysay Virgil van Dijk iyo Nathan Ake, wixii ay Norway ku sameysay Martin Odegaard iyo Erling Haaland. Waxay uu muuqataa in anaga kaliya nala su’aalayo.
“Dabcan waan ka niyadjabsanahay dhaawaciisa. Wuxuu ciyaaray isagoo aan dheelin labo todobaad. Ma aheyn inuu daalay. Laakiin waan necbahay inaan ciyaartoyda u celiyo kooxahooda iyagoo dhaawacan.”