Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa qorshaynaysa inay shan ciyaartoy la saxeexato marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ku jira laacib ay ka dhiganayaan beddelka goolhaye Aaron Ramsdale oo ay iibin doonaan, maadaama aanu ku niyad-samayn inuu ahaado goolhaye kayd ah.
Gunners ayaa illaa hadda ku jirta xilli-ciyaareed farxadeed oo ay hoggaaminayaan horyaalka Premier League, waxaanay sidoo kale usoo baxeen wareegga siddeedda Champions League oo aanay muddo 14 sannadood ah soo gaadhin halkaas.
Marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, Arsenal ayaa waxa ay samayn doontaa isbeddello badan, si ay iskusii xoojiso xilli-ciyaareedka dambe oo ay mar kale ugu tartami karto horyaalka Premier League iyo tartamada kale.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic, Arsenal ayaa waxa ay albaabka ka saari doontaa oo ay qaarkood iibin doontaa, kuwo kalena ay si xor ah kaga tegi doonaan ciyartoyda kala ah Aaron Ramsdale, Kieran Tierney, Nuno Tavares, Sambi Lokonga, Thomas Partey, Jorginho, Emile Smith Rowe, Fabio Vieira, Reiss Nelson iyo Eddie Nketiah.
Waxa ay Arsenal ciyaartoydan ka samayn doontaa lacag badan oo ay si weyn iskugu xoojiso, isla markaana kula soo wareegto ciyaartoyda ay tebayso maadaama kuwan ay yihiin inta badan kayd iyo kuwo aan si joogto ah u ciyaarin.
Taas beddelkeeda, waxa ay Arsenal safkeeda kusoo kordhin doontaa laba ciyaartoy oo beddel u noqda Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli, laba ciyaartoy oo No.8 iyo No.6 ah, isla markaana dhaqdhaqaaq ka samayn kara booska kale ee khadka dhexe iyo goolhaye buuxiya booska Ramsdale.
David Ornstein waxa uu sheegay in Arsenal ay doonayso xiddigaha kala ah Benjamin Sesko, Viktor Gyokeres iyo Evan Ferguson oo ay boosaska weerarka u kala dooranayso.
Sidoo kale, Pedro Neto oo Wolves ay ku qiimaysay £80 milyan oo Gini ayay diiradda Arsenal saaran tahay.