Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun kulul ku furatay wareegga 16ka Champions League, waxaana 1-0 kusoo garaacday FC Porto oo ay marti ugu ahaayeen waddanka Portugal, halkaas oo ay fursado badan iskaga lumiyeen labada kooxoodba.
FC Porto ayaa samaysay khasaarihii ugu weynaa ee xilli-ciyaareedka ee la diiwaangeliyo, waxaana kubbad ay goolka la tageen ay awoodi waayeen inay dhamaystiraan iyadoo birta kaga dhacday Galeno oo ahaa laacibka waqtiga dambena go’aamiyey guusha kooxdiisa.
Arsenal oo ahayd kooxda inta badan maamulaysay ciyaarta oo heshay toban koorne, ayaa toddoba jeer oo ay goolka toogatay oo shan ka mid ah ay kubadda ku aaddisay goolka aan waxba ka keenin, waxaanay eersadeen xiddigahooda afka hore ee Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo xataa William Saliba oo kubbad loo qaata gool birta dul-mariyey.
Ciyaarta oo u muuqanaysa inay ku dhamaanayso barbarro ayaa waxa qalad xun sameeyey goolhaye Raya oo kasoo baxay goolkiisa, waxaana weerar rogaal-celis ah lagu soo qaaday daqiiqaddii 90+4 ee waqtigii dheeraadka ahaa, waxaana gool ku niyad-jabiyey Arsenal laacibka uu waqtiga hore nasiibku diiday ee Galeno.
Labada kooxood ayaa waxa ay bisha dambe ee March isla tegi doonaan garoonka Emirates Stadium oo ay ku kala bixi doonaan.
Dhinaca kale, Barcelona ayaa xajisan weyday guul gacanteeda ku jirtay oo ay kala soo laaban lahaayeen Napoli, laakiin waxay ogolaadeen in ay barbarro kala soo laabtaan safarkii ay ku tageen Talyaaniga.
Ciyaar aad u adkayd oo fursaduhu koobnaayeen ayay Barcelona bandhig fiican ku samaysay qaybta hore garoonka Diego Maradona Stadium, waxaanay la timid gool uu daqiiqaddii 60aad u dhaliyey Robert Lewandowski, kaddib dhawr kubbadood oo ay khasaariyeen, laakiin weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem ayaa Napoli u keenay goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsan yihiin.
Lugta labaad ayaa horraanta bisha March ka dhici doonta magaalada Barcelona, halkaas ayaanay midkood ku xaqiijisan doonaa inay u gudubtay wareegga siddeedda, halka midka kalena uu tartanka macasalaamayn doono.