Arsenal ayaa ka dhigtay Viktor Gyokeres bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, sida ay ku warameyso FootballTransfers.
Weeraryahanka Swedish-ka ah ayaa soo jiitay indhaha Arsenal, kuwaas oo isha ku hayay qaab ciyaareedkiisa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Ilo ku dhow kooxda ayaa shaaca ka qaaday in waaxda suuqa kala iibsiga ee kooxda Waqooyiga London ay awoodooda isugu geeyeen sidii ay u heli lahaayeen weeraryahanka hibada leh, iyadoo laaaminsan yahay inuu la jaan qaadayo qaab ciyaareedka Mikel Arteta.
Gyokeres waa weeraryahan ka ciyaari kara boosas badan oo weerarka ah. Awoodiisa inuu ka ciyaaro weerarka dhexe, midka garabka midig iyo garabka bidix ayaa ka dhigeysa inuu ku haboon yahay taatikada Mikel Arteta.
Waxay taasi ka dhigeysaa inuu Arsenal uga haboon yahay weeraryahanada kale ee diirada u saaran sida weeraryahanka Napoli Victor Osimhen iyo xiddiga Brentford Ivan Toney.
Gyokeres ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu Sporting Lisbon kaga soo biiray kooxda Conventry iyagoo ku iibsaday 20 milyan euro.
Waxa uu u saxiixay qandaraas shan sannadood ah, iyadoo Arsenal ay ku qasban tahay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo gaareysa 100 milyan euro oo u dhiganta 85 milyan euro.