Lugta labaad ayaa Arbacada soo socota ay labada kooxood ku kala bixi doonaan garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena, waxaana Jurgen Klinsmann uu rumaysan yahay in Munich ay joogto semi-final iyadoo walba uu xiddiga guusha go’aaminaya ku tilmaamay Harry Kane.
Jurgen Klinsmann oo la hadlay warbaahinta ayaa la weydiiyey saadaashiisa lugta labaad ee Bayern Munich iyo Arsenal, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan odhan lahaa saadaashu waa 70-30, waxaana soo gdubaysa Bayern. Waxa hubaal ah in uu halkaa joogo Harry Kane oo laba-jibbaar dhiirranaan doona, waxa uu doonayaa in ugu dambayntii uu koob ku guuleysto, waxaana uu ka hor tegayaa Arsenal.”
Harry Kane ayaa dhibaato ay ka haysataa kulamada uu ka hor yimaaddo Arsenal, waxaana 20 jeer oo uu ka hor tegay oo ahaa 19 jeer oo uu u ciyaarayay Tottenham iyo mar Bayern Munich uu guul ka gaadhay Gunners hal ciyaar oo kaliya, balse haddana waxa uu ku raaxaystaa rikoodh goolal ah oo uu ka dhaliyo, waxaana uu Arsenal ka dhaliyey 15 gool iyo laba uu caawiye ka noqday.
Xiddigan reer England ayaa xilli-ciyaareedkan waxa uu Bayern Munich u saftay 38 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 39 gool iyo 12 uu caawiye ka noqday, laakiin waxa uu xilli-ciyaareedkiisu ku dhow yahay inuu ku dhamaado koob la’aan maadaama horyaalka Bundesliga uu gacanta ugu jiro Bayer Leverkusen, sidoo kalena ay waqti hore ka hadheen koobka German Cup.
Fursadda kaliya ee uu Harry Kane koob ugula guuleysan karayo Bayern Munich xilli-ciyaareedkan, waa in ay kooxdiisu qaaddo Champion League, haddii kale waxa sii socon doona habaarkii ku dhacay laacibkan oo aan waligii ku guuleysanin wax koob ah.