Erik ten Hag ayaa lagu waramayaa inuu ugu cadcad yahay shaqso cusub haddii waayihiisa Manchester United uu soo dhamaado xagaagan.
Xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford, Ten Hag wuxuu qabtay shaqo fiican isagoo kooxda u soo saaray Champions League isagoo sidoo kale ku guuleystay Carabao Cup.
Ka dib saxiixyadii Andre Onana, Mason Mount iyo Rasmus Hojlund ee xagaagii la soo dhaafay, dad badan ayaa filanayay in United ay u tartami doonto hanashada Premier League.
Laakiin xilli ciyaareedkooda wuxuu noqday fashil iyagoo haatan ku jira kaalinta lixaad islamarkaana 13 dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta afaraad ee Aston Villa.
Waxay sidoo kale ku fashilmeen Champions League oo ay ku hareen wareega group-yada iyagoo noqday kooxda ugu hooseysa group-kooda.
Waxay taasi keentay in tababare Erik ten Hag uu wajaho cadaadis badan oo la xiriirta shaqadiisa.
Dhanka kale, Ten hag ayaa lala xiriirinayaa shaqo cusub xilli mustaqbalkiisa Manchester United uusan kala cadeyn.
Sida ay sheegtay The Standard, tababaraha reer Holland ayaa ka mid ah seddex tababare oo ugu cadcad shaqada kooxdiisa hore ee Ajax.
Waxaa la rumeysan yahay in Ten Hag iyo sidoo kale tababarihii hore ee Chelsea Graham Potter iyo tababaraha Nice Francesco Farioli ay yihiin tababarayaasha ay Ajax dooneyso inay ka dhigato macalinkeeda cusub.
Sida muuqata Ten Hag ayaa shaqo heli doona haddii Manchester United ay go’aansato inay ceyriso tababaraha reer Holland.