Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa magacaabay shaqsiga sababta u ah guulaha Liverpool ee xilli-ciyaareedkan oo ay ku guuleysatay Carabao Cup, sidoo kalena ay ku tartamayaan Premier League, FA Cup iyo Europa League.
Gary Neville oo difaaca midig uga ciyaari jiray Manchester United iyo xulka qaranka England, ayaa waxa uu sheegay, in Liverpool aanay natiijo fiican oo sabab u noqota inay ku tartamaan horyaalka Premier League aanay ka keeneen garoomada, haddii aanu joogi lahayn Jurgen Klopp.
Liverpool oo xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League ayaa isbeddel badan samaysay sannadkan, waxaana ay isku dhibco yihiin Arsenal oo farqiga goolasha kaga haysa hoggaanka horyaalka Premier League.
Axaddii ayay Liverpool barbarro 1-1 ah la gashay Man City, iyadoo waliba ay fursado dahabi ahaa ka khasaariyeen Luis Diaz iyo Darwin Nunez.
Gary Neville oo ka hadlayay qaab-ciyaareedkii Liverpool ee kulankii Man Ciyt ayaa yidhi: “Haddii aynu dib u eegno bilowgii xilli-ciyaareedka, iyo wixii laga sheegay Liverpool iyo waliba fursaddooda ku guuleysiga horyaalka Premier League, marnaba ma ahayn sida ay hadda wax yihiin.
“Sababta ay Liverpool halkaa u fadhido ee ay fursadda ugu haysato inay ku guuleysato horyaalka Premier League waa isaga (tababare Jurgen Klopp).
“Haddii aan si daacad ah u hadlo, isaga yaa leh awood uu wax dheeraad ah kusoo kordhiyo, boqolkiiba boqol ayuu wax dhaafiyaa, laba-boqol ayuu dhaafiyaa, saddex-boqol ayuu wax dhaafinayaa, iyo ka badan. Waa sababta uu uga mid yahay hoggaamiyeyaasha wanaagsan.”
Gary Neville ayaa waxa uu sheegay in sifooyinka Jurgen Klopp uu ku arkay ay yihiin kuwii uu ku yaqaannay Sir Alex Ferguson oo kale.