Andre Onana ayaa qirtay inuu su’aal geliyay go’aankiisii uu ugu biiray Manchester United.
Goolhayaha reer Cameroon ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford waxa uu noqday mid aad u dhib badan.
Goolhayahaan ku fadhiya 43.8 milyan ginni ayaa naftiisa weydiiyay haddii uu ku saxnaa inuu ka tago Inter Milan oo uu ku biiro “Rainchester” oo uu u la jeedo in Manchester ay tahay magaalo roob badan.
Onana ayaa yiri: “Bilow aad u adag ayay igu aheyd halkaan – waa markii ugu horeysay oo aan xaalad sidaan oo kale ah wajaho
“Bilowgii waxaan isweydiiyay haddii aan qaatay go’aanka saxda ahaa.” ayuu yiri Onana.
“Haatan, waan garanayaa horyaalka, dadka, dalka, Manchester ama Rainchester. Marka aan haatan dib u eego waan dhoolacadeeyaa sababtoo ah waxay ii aheyd cashar weyn.
“Laakiin boqolkiiba 100 waan hubaa inaan qaatay go’aanka saxda ahaa sababtoo ah Manchester United koox weyn ayay halkaan ka tahay, waa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dunida.
“Waa kuma qofka dhahaya “maya uma ciyaarayo kooxdaan quruxda badan?”
Si kastaba, Onana ayaa sheegay in dhamaan ciyaartoyda Manchester United aysan ku faraxsaneyn qaabka uu ku dhamaanayo xilli ciyaareedkooda.
Shayaadiinta Cas Cas ayaa ku jirta kaalinta 8aad ee Premier League ka dib markii badiyay 12 jeer xilli ciyaareedkan taasoo rikoodh cusub u ah.