Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa ka baxay aamusnaanta oo ka hadlay wararka sheegaya in uu tegayo Real Madrid oo ku darsatay liiska ciyaartoyda ay u doonayso inay u beddelaan Toni Kroos oo ka fadhiisanaya ciyaaraha kubadda cagta xagaagan.
Alexis Mac Allister oo xagaagii hore ay Liverpool kasoo iibsatay Brighton ayaa bandhig fiican ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkii tegay, waxaana uu ka mid ahaa ciyaartoydii uu la dhacsanaa tababare Jurgen Klopp.
25 jirkan oo Koobka Adduunka kula guuleystay xulka qaranka Argentina ayaa shan gool ka dhaliyey horyaalka Premier League, shan kalena caawiyey xilli-ciyaareedka hadda dhamaaday, waxaana uu ka dheelay boosas kala duwan oo khadka dhexe ahaa.
Warbaahinta DSPORTS Radio ayaa sheegay, in qandaraaska Alexis Mac Allister ee Liveprool lagu burburin karayo kaliya £60 milyan oo Gini, inkasta oo aanay jirin cid kale oo xaqiijisay, waxaana laacibkan la weydiiyey haddii uu diyaar u yahay inuu tago Real Madrid.
ESPN oo waraystay ayaa weydiiyey Mac Allister waxa ka jira wararka sheegaya inuu tegayo Real Madrid, waxaanu ku jawaabay: “Anigu kama hadlayo waxyaabaha mala awaalka ah, waxa aan ku faraxsanahay Liverpool.
“Waxay ila tahay in aan xilli-ciyaareed fiican kusoo qaatay shaqsi ahaan, inkasta oo waxyaabihii aanu hiigsanaynay aanaan gaadhin.”