Halyeyga reer England ee Alan Shearer ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu fiicnayd horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli-ciyaareedkan socda, waxaana uu uga dhaartay dhamaan ciyaartoyda kooxda Manchester City oo aanu xataa hal qof kaga soo darin, taas oo noqotay arrin layaableh.
Kooxda sannadka ee Premier League uu xushay Alan Shearer waxay noqotay mid hadal-hayn badan abuurtay, laakiin kalidii ma aha, waxaase hore sidan oo kale ay dood uga dhalatay shaxihii ay xusheen halyeeyadii Manchester United iyo Liverpool ee Gary Neville iyo Jamie Carragher ee aanu hore idiinku soo gudbinay.
Alan Shearer oo u ciyaari jiray kooxaha Newcastle United oo uu waqtigiisii ugu badnaa ku qaatay iyo Blackburn Rovers, waxa uu goolhayaha sannadka u doortay Vicatio oo u ciyaara Tottenham, halka difaacana uu u qaybiyey Liverpool, Arsenal iyo Tottenham.
Khadka dhexe ayaa waxa uu ka dhigtay Declan Rice iyo Douglas Luiz, halka Mohamed Salah iyo Son ay noqdeen labada garab weerar, isaga oo tababarahana u xushay Unai Emery oo kooxdiisa Aston Villa ay kaalinta labaad kaga jirto horyaalka Premier League.
Halkan kaga bogo shaxda Alan Shearer ee kooxda sannadka Premier League
Goalkeeper: Guglielmo Vicario – Tottenham Hotspur
Difaaca: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Virgil van Dijk (Liverpool), William Saliba (Arsenal) & Destiny Udogie (Tottenham Hotspur)
Khadka dhexe: Declan Rice (Arsenal) iyo Douglas Luiz (Aston Villa)
Garbaha Weerarka: Mohamed Salah (Liverpool) iyo Heung-min Son (Tottenham Hotspur)
Weerarka: Ollie Watkins (Aston Villa) Jarrod Bowen iyo (West Ham United)