Muuqaal aan hore loo arag oo ah midkii ay raadinayeen taageereyaasha Liverpool, si ay u arkaan qaabka uu u dhaawacmay xiddiga reer England ee Trent Alexander-Arnold ayaa soo baxay, kaas oo jilibka lugta bidix uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Arsenal ee FA Cup ee ay guusha 2-0 ah kusoo gaadheen Emirates Stadium.
Alexander-Arnold oo laad xor ah oo uu tuuray uu isku qabtay Jakub Kiwior, sidaana goolka koowaad ay ku heshay Liverpool ka hor intii aanu Luis Diaz waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta goolka labaad keenin, ayaa waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo saddex illaa afar toddobaad ah.
25 jirkan ayaa uu dhaawacu gaadhay ka hor intii aanay kooxdiisu goolka koowaad dhalinin, waxaana uu 20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ku dheelayay isaga oo dhaawac ah oo jilibka xanuun ka dareemaya.
Laacibkan ayaa uu dhaawacu gaadhay isaga oo kubadda kula xafiiltamaya garabka weerarka Brazil ee Gabriel Martinelli oo dhinaca midig kala soo galay kubadda, waxaana isla markiiba la arkay isaga oo jilibka is-haya oo la foorsaday xanuun uu dareemay, balse waxa uu muujiyey adkaysi isaga oo ciyaarta dhamaystay.
Halkan ka daawo muuqaalka sidii uu u dhaawacmay Alexander-Arnold
Pretty mad to think Trent played half an hour with a tear in his knee.
Looked nasty tbh. pic.twitter.com/4nWp8LCk54
— ๐ญ๐๐๐๐๐๐ (@chillhoggy) January 9, 2024
Biting his jersey through the pain with the armband on.
This is a leader. pic.twitter.com/vRn5OaCVOt
— Anything Liverpool (@AnythingLFC_) January 9, 2024