Harry Kane ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa 15 ciyaartoy oo waaweyn oo soo maray kubadda cagta oo aan cimrigooda oo dhan wax koobab ah ku guuleysanin, kuwaas oo kaliya lagu xasuusto shaqadoodii gudaha garoomada balse taariikhdooda ay ka masaxan tahay oo aanay ku jirin wax koobab ah oo ay u dabbaal-dageen.
Harry Kane oo xagaagii ay Bayern Munich kasoo iibsatay Tottenham ayaa inkasta oo uu u dhaliyey 44 gool oo dhamaan tartamada ah iyo 12 kale oo uu caawiyey, waxa haddana kooxdiisa Bayern Munich ay xilli-ciyaareedka ku dhamaysatay iyadoo koobab la’aan ah, waxaana kooxdan ugu dambaysay inay sidan oo kale ku dhacdo xilli-ciyaareedkii 2011/12.
Halka koobabka iyo guulihii waaweynaa ee xulalkooda iyo kooxahoodaba ay caanka kaga ahaayeen Dani Alves iyo Lionel Messi oo ah ciyaartoyda ugu koobabka badan kubadda cagta, waxa Harry Kane uu ku jiraa liiska xiddigaha koobabka ka habaaran, waxaana jamaahiirta Bayern Munich ay ku doodayaan in laacibkani uu ula yimid habaarkiisii koob la’aanta oo uu iyagana ka galaaftay guulahoodii xidhiidhka ahaa ee ay 11ka sannadood ee isku xigta ku guuleysteen horyaalka Bundesliga sidoo kalena ay koobabka kale ee maxalliga ah iyo Champions League ay laba jeer ku darsadeen.
Sidaas oo ay tahay, waxa Harry Kane aan kali ka dhigaynin xiddigii Talyaaniga ee Antonio Di Natale oo cimrigiisa ku dhamaystay Udinese oo taariikhda casriga ah aan wax koob ah ku guuleysanin, iyo halyeygii Talyaaniga ee AS Roma iyo Inter Milan ee Luigi Di Biagio oo isaguna kabaha tiiriyey isaga oo aan wax koob ah qaadin.
Dhakhtarkii kubadda cagta, halyeyga ay FIFA ugu magac-dartay abaal-marinta cusub ee Socrates oo usoo dheelay kooxaha Corinthians iyo Fiorentina, isla markaana ka mid ahaa xiddigihii ugu wanaagsanaa ee soo maray Brazil, ayaa isaguna liiskan ku jira. Socrates ayaa waxa kale oo wargeysyada ku jiri jiray qormooyin uu kaga hadli jiray ciyaaraha, halka uu sidoo kalena ahaa dhakhtar dadka ku daaweeya cusbitaallada waddankiisa Brazil.
Halkan kaga bogo 15ka ciyaartoy ee koobab la’aanta uu ku dhamaaday cimrigooda ciyaareed ee uu halista ugu jiro Harry Kane inuu liiskooda raaco
15ka ciyaartoy ee aan waligood ku guuleysanin wax koobab ah | ||
---|---|---|
Magaca ciyaartoyga | Xulkiisa | Kooxihii ugu waaweynaa ee uu usoo ciyaaray |
Antonio Di Natale | Italian | Udinese |
Giuseppe Signori | Italian | Lazio, Sampdoria, Bologna |
Bernd Schneider | German | Bayer Leverkusen |
Leighton Baines | English | Everton |
Matthew Le Tissier | English | Southampton |
Yildiray Basturk | Turkish | Bayer Leverkusen, Hertha Berlin |
Rob Lee | English | Charlton Athletic, Newcastle, West Ham |
Stan Collymore | English | Nottingham Forest, Liverpool |
Luigi Di Biagio | Italian | Roma, Inter Milan |
Joseba Etxeberria | Spanish | Athletic Bilbao |
Steve Bull | English | Wolves |
Cristiano Doni | Italian | Atalanta |
Jonny Haynes | English | Fulham |
Socrates | Brazilian | Corinthians, Fiorentina |
Harry Kane | English | Tottenham, Bayern Munich |