Artificial Inelegance oo loosoo gaabiyo AI ayaa saadaal ka bixiyey ciyaartoyda ku guuleysanaya abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or 15ka sannadood ee soo socda oo ka bilaabmaya sannadkan aynu ku jirno ee 2024.
Ballon d’Or oo ah abaal-marinta ugu qaalisan ee ciyaartoydu ay ku guuleystaan, ayaa waxa go’aamiya codayn ay sameeyaan in ka badan 100 wariye, tababareyaasha iyo kabtannada xulalka kubadda cagta adduunka.
Lionel Messi oo ah ciyaartoyga sannadkii ugu dambeeyey ee 2023 ku guuleysatay abaal-marintan ayaa u muuqata in aanu sannadkan ku jiraynin tartameyaasha, balse waxa uu loollanku u dhaxaynayaa labada ciyaartoy ee Real Madrid ee Jude Bellingham iyo Vinicius Junior, khadka dhexe ee Man City ee Phil Foden, weeraryahanka reer France Kylian Mbappe iyo waliba Harry Kane oo kooxdiisa Bayern Munich u dhaliyey goolal badan, inkasta oo aanay wax koob ah ku guuleysanin.
AI waxa ay saadaalisay, in sannadkan aynu ku jirno uu abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleysan doono xiddiga reer England ee Jude Bellingham isaga oo noqon doona ciyaartoygii labaad ee Ingiriis ah ee qarnigan 21aad ku guuleysta abaal-marintan oo sannadkii 2001 ku guuleystay. Waxa uu Bellingham ku garaaci doonaa Vinicius Junior oo kaalinta labaad geli doona.
Halkan kaga bogo saadaasha AI ee abaal-marinta Ballon d’OR
2024- Jude Bellingham
2025- Kylian Mbappe
2026- Lionel Messi
2027- Phil Foden
2028- Gavi
2029- Erling Haaland
2030- Vinicius Jr
2031- Evan Ferguson
2032- Florian Wirtz
2033- Jamal Musiala
2034- Kylian Mbappe
2035-Evan Ferguson
2036- Lamine Yamal
2037- Lamine Yamal
2038- Arda Guler