Qisooyinka Afrika way badan yihiin, waxaana xilliyada ay tartamadu ka socdaan laga diiwaangeliyaa arrimo cajiib ah. Maanta waxa ay dunidu ka sheekaynaysaa xul ka mid ah dalalka ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Afrika ee ka socda waddanka Ivory Coast oo ka dalbaday dal kale inuu amaahiyo tababarihiisa, si uu u hoggaamiyo inta uu socdo tartanku.
Waxaynu maqli jirnay ciyaartoy la kala amaahdo ugu yaraan muddo lix bilood ah, laakiin waligaa ma maqashay tababare la kala amaahdo muddo 20 maalmood ah oo ah inta ka hadhay waqtiga uu tartanku dhamaanayo.
Tartanka qaramada Afrika oo Arbacadii lasoo gabogabeeyey wareeggii koowaad ee Group-yada ayaa waxa Sabtida bilaabmi doona wareegga 16ka, iyadoo siddeed dal ay ku hadheen wareeggii koowaad ee group-yada.
Xidhiidhka kubadda cagta waddanka tartanka martigelinaya ee Ivory Coast oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay tababarahooda cusub ee beddelay Jean Louis Gasset oo shaqada laga caydhiyey markii xulka Equatorial Guinea uu ku xasuuqay 4-0, isla markaana markaana nasiibku ka caawiyey inay ka mid noqdaan afar dal oo ku hadhay wareegga group-yada laakiin lagu soo buuxiyey wareegga 16ka, ayaa waxa ay ka dalbadeen Faransiiska in ay amaahiyaan tababarahooda xulka qaranka haweenka ee Renard.
Ivory Coast oo wareegga 16ka la ciyaaraysa Senegal, ayaa ka hor intii aanay magacaabin Emerse Fae waxa ay dalbadeen in Faransiisku uu amaah waqti kooban ah ku siiyo macallinkooda xulka haweenka ee Renard oo sannadkii 2015 u qaaday Koobka Qaramada Afrika, sidoo kalena Zambia u qaaday sannadkii 2012, halka Morocco uu laylinayay intii u dhaxaysay 216 illaa 2019.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ayaa ka fiirsanaya go’aanka ay ka yeelayaan codsiga Ivory Coast oo ay hore u gumaysteen, waxaana haddii ay ogolaadaan la diiwaangelin doonaa dhacdo ugub ku ah ciyaaraha kubadda cagta, sababtoo ah ma jiraan laba waddan oo tababare kala amaahda, balse waxa hore loo arkay xul iyo koox uu hal tababare wada maamulo.