Halyeygii kooxaha Arsenal iyo Barcelona ee Thierry Henry ayaa tilmaamay hal arrin oo uu Cristiano Ronaldo khabiir ku yahay marka uu garoomada ku jiro, laakiin aanu isugu waligii yeelan karaynin farsamadaas oo kale.
Thierry Henry ayaa lagu xasuustaa inuu ka mid yahay weeraryahannadii ugu fiicnaa ee abid ka ciyaaray horyaalka Premier League, isaga oo Arsenal u dhaliyey 175 gool, kuwaas oo 12 ka mid ah ay ahaayeen laad xor ah oo uu shabaqa ku hubsaday.
Horyaalka Premier League ayuu ka mid yahay shanta ciyaartoy ee ugu goolasha badan taariikhda, iyaga oo dhinaca laadka xorta ahna isku mid ka ah Cristiano Ronaldo oo 12 gool ugu dhaliyey toogashada xorta ah muddadii uu joogay Old Trafford.
Waxyaabo badan oo dhinaca farsamada iyo xeeladda kubadda cagta ah ayay ku kala duwan yihiin Thierry Henry iyo Cristiano Ronaldo, waxaana uu Henry sharraxay hal arrin oo uu Ronaldo kaga fiicnaa oo aanu ku gaadhi karaynin Ronaldo, waxaanu yidhi: “Waxa uu igaga fiican yahay laadka xorta ah.
“Mar walba waan isku dayi jiray, garbahaygu waxay mar walba waajahayeen koornaha calanka. Waxa aad calaamadsanaysaa goob, kaddibna hal ama laba tallaabo aad dib u qaadaysaa. Waad neefsanaysaa, waxa aad eegaysaa Robert Pires oo ordaya.”