Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda Al-Ittihad ee gelaya safarka kulamada saaxiibtinimo ee bisha January, kaddib markii laacibkan uu khilaaf soo kala-dhaxgalay kooxdiisa isla markaana uu dib ugu soo laaban waayey tababarka.
Benzema oo fasax la’aan ku tegay waddanka Spain, ayaa waxa uu ka maqnaaday saddexdii tababar ee ugu dambeeyey, waxaana ay kooxdiisu kaga falcelisay inay ka saartay liiska ciyaartoyda kulamada saaxiibtinimo ee sannadka cusub.
Xiddigan sannadkii 2022 ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, ayaa waxa uu xagaagii soo afjaray muddo 14 sannadood ahayd oo uu u ciyaarayay Real Madrid oo uu kula guuleystay afar horyaal oo LaLiga ah, shan Champions League iyo koobab kale oo badan.
Sida uu xaqiijiyey wargeyska Marca, Karim Benzema oo 20 ciyaarood u saftay kooxdiisa Al-Ittihad u dhaliyey 17 gool, ayaa gebi ahaanba laga saaray liiska kooxda ee kulamada saaxiibtinimo ee waqtigan, maadaama uu tababarka iman waayey.
Saddex tababar oo ay ciyaartoyda kooxdiisu sameeyeen ayuu ka maqnaaday fasax la’aan, waxaanay arrintani imanaysaa iyadoo taageereyaasha kooxdiisu ay u bixiyeen ‘Ina Guul-darro’, maadaama Al-Ittihad oo sannadkii hore ku guuleysatay horyaalka Sucuudiga ay hadda 20 dhibcood ka dambayso Al-Hilal oo hoggaanka haysa.