Cristiano Ronaldo oo ah magac si weyn uga dhex muuqda garoommada iyo shaashadaha adduunka ayaa haatan taageerayaashiisa siiyay sabab kale oo ay ku aaminaan in mustaqbalkiisa kubadda cagta uusan gabagabeyn aheyn.
39 jirka reer Portugal, oo ah mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu fiicnaa kubadda cagta, ayaa si maldahan u sheegay inuusan ku dhaweyn waqtigaan siibista kabaha kubadda cagta.
In kasta oo uu leeyahay mid ka mid ah xirfadaha ugu quruxda badan ee dabiiciga ah, Ronaldo ayaa lagu yaqaanaa dadaalkiisa aan dhamaadka laheyn ee garoomada.
Hadda wuxuu u ciyaaraa kooxda Saudi Pro League ee Al-Nassr, wuxuuna dhigayaa rikooro isaga u gaar ah oo uu doonayo in lagu xasuusto.
216 ciyaarood oo caalami ah Ronaldo, waxa uu ku haystaa gooldhaliyaha abid ugu sareeya ciyaaraha caalamiga ah ee dhanka ragga.
Barta Instagram-ka ee Cristiano Ronaldo wuxuu soo dhigay guulihiisa intii lagu jirtay xirfadiisa ciyaareed.
Ronaldo waxa uu soo galiyay wax walba oo uu ku sameeyay horyaalada England, Spain, iyo Italy, shan koob oo Champions League ah, ciyaaryahanka kaliya ee ku guuleystay kabaha dahabka afar wadan oo kala duwan.
Waxa uu sidoo kale soo dhigay 5 abaalmarin oo Ballon d’Or ah, inkastoo uu ka dambeeyo Messi oo 8 jeer heysta abaalmarintaan.
Taageerayaasha Ronaldo ayaa aad kaga falceliyay bandhiga guulaha Ronaldo ee caawa uu ku sameeyay baraha bulshada.