Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa shaaciyey sababtii uu u beddelay xiddiga reer England ee Harry Kane dhamaadka ciyaartii Real Madrid ee waqtiga dambe guul-darrada xanuunka badan loo xambaariyey Bavaria ee laga saaray tartanka Champions League.
Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah gaadhay dhamaadkii ciyaarta, waxaanay usoo gudubtay ciyaarta ugu dambaysa ee finalka markeedii 18aad iyadoo ku hamiyeysa in markii 15aad ay ku guuleysato Champions League.
Bayern Munich oo 1-0 ku hoggaaminaysa ciyaarta ayaa waxa uu Thomas Tuchel qaatay go’aan adag oo ahaa inuu saaro Jamal Musiala oo dhaawac ka cabanayey iyo Harry Kane oo labaduba hal-mar garoonka ka wada baxay, waxaana markii ay labadan ciyaartoy kaydka fadhiisteen ay arkeen iyadoo Real Madrid u dabbaal-degaysa goolka barbarraha oo daqiiqaddii 88aad uu u dhaliyey Joselu, waxyar kaddib oo ahayd daqiiqaddii 91aadna waxa uu Joselu raaciyey goolka labaad ee ciyaarta ka dhigay 2-1, isla markaana Madrid usoo saaray finalka oo ay garoonka Wembley ee magaalada London kula ciyaari doonaan Borussia Dortmund 1da June.
Thomas Tuchel ayaa lagu canaantay sababta uu u beddelay Kane iyadoo ay garoonka ka maqnaayeen Leroy Sane oo dhaawac ku baxay iyo Jamal Musiala oo beddelkiisu uu qasab ahaa, waxaana uu ku dooday in xiddiga reer England uu xanuun ka dareemayey dhabarka, sidaas daraadeedna uu u beddelay.
Waxa kale oo uu qirtay, in mar haddii uu soo galiyey difaaca reer Korea ee Kim-Jae in aanu filaynin in ay la kulmi karayaan cadaadiska ay saartay Real Madrid 15kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta.
“Tan iyo intii uu kooxda kusoo biiray, Kane waxa haystay dhibaato dhabarka ah.” Ayuu yidhi Thomas Tuchel.
Si kastaba ha ahaatee, Harry Kane ayaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee horyaalka Bundesliga uu kusoo dhamaanayaa koob la’aan, iyadoo markii ugu horreysay Bayern Munich muddo tobannaan sannadood ah aanay ku dhicin in ay koob la’aan ahaadaan.