Xiddiga Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa waraysi uu siiyey webstie-ka kooxdiisa waxa uu kaga hadlay ciyaarta lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay Arbacada ku ballansan yihiin Real Madrid oo ay garoonka Santiago Bernabeu ugu tegi doonaan.
Bayern Munich iyo Real Madrid oo lugtii hore ee garoonka Allianz Arena ku kala baxay 2-2 ayaa waxa go’aanka midkooda tegaya finalka lagu gaadhi doonaa Santiago Bernabeu fiidnimada Arbacada.
Thomas Muller oo wax laga weydiiyey ciyaartan, ayaa waxa uu sheegay in natiijada ciyaartani ku xidhnaan doonto sida ay labada kooxood uga faa’iidaystaan fursadaha ay helaan, waxaana uu xusay in natiijada lagu kala baxayo ay noqon doonto mid yar oo faro-ciddidood ah.
“Waxay noqon doontaa ciyaar isku-dhow, waxaana lagu kala bixi doonaa natiijo yar. Inta badan kubaddu waxay ku xidhan tahay sida looga faa’iidaysto fursadaha.” Ayuu yidhi Thomas Muller oo intaa ku daray: “Haddii aad fursadahaaga lumiso, waxa aad lumisay guusha. Tusaale ahaan, laba fursadood oo waaweyn ayaanu luminay qaybta dambe ee ciyaartii Stuttgart markii ay natiijadu ahayd 1-1.
“Haddii aanad ka faa’iidaysanin fursaddaasa, waad guul-darraysanaysaa, halkaas ayay wax walba ku xidhan yihiin, natiijaduna waxay noqon doontaa mid isku dhow, markaa waa in aanu abuurno fursado oo aanu ka faa’iidaysano.”
Thomas Muller oo la weydiiyey waxa uu ka filayo kooxda ay iska hor imanayaan ee Real Madrid, waxa uu ku jawaabay: “Real Madrid way wajiyo badan tahay. Dib ayay u fadhiisan karaan oo difaaca ayay geli karaan iyagoon dhibaato qabin. Laakiin waxay ogyihiin inay leeyihiin ciyaartooyo ku fiican weerarka degdegga ah, fikraddaasna marar badan ayay arkeen oo ay u shaqaysay. Real Madrid waa koox khatar ah, balse waa lala ciyaari karaa.”