Waxa qiimayn lagu sameeyey tobanka ciyaartoy ee u dhashay waddanka Ingiriiska ee ugu qaalisanaa suuqyada kubadda cagta, kuwaas oo la isku eegay qiimaha lagu iibsaday iyo bandhiggooda garoomada, iyadoo halbeeg looga dhigay darajada qiimaynta ugu sarraysa oo ah 10.
Hal ciyaartoy ayaa laba-jeer kasoo dhax muuqda liiska tobanka ciyaartoy ee Ingiriiska u dhashay ee ugu qaalisan, kaas oo laba jeer soo gelaya qiimaynta oo marna fashilmay marna qiimayntiisu dhaxdhaxaad thaay.
Raheem Sterling oo ay Manchester City kasoo iibsatay Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkii 2015/16, ayaa waxa uu waqtigaas hore sameeyey bandhig fiican oo u qalmaysay £54.4 milyan oo Gini oo ay Man City u shubtay Liverpool, laakiin markii uu laacibkani tegay Chelsea oo £50 milyan kaga soo iibsatay Man City ayaa uu noqday mid fashilan oo uu iska waayey ciyaartii laga filayey.
Waxa kale oo liiskan ku jira xiddigaha Arsenal ee Ben White iyo Delcan Rice oo muujiyey in ay u qalmayeen lacagtii ay u hurtay Gunners.
Ciyaartoyga ugu wanaagsan qiimaynta, waxa uu noqday xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham oo £88 milyan oo Gini ay Real Madrid kaga soo iibsatay Borussia Dortmund, isla markaana noqday sirtooda guulaha horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan, waxaana qiimayntiisu ay noqotay 9/10, mana jiro ciyaartoy kale oo qiimayn intaas le’eg helay.
Harry Kane iyo Declan Rice oo ay isku mid tahay qiimayntoodu, waxaana mid walba qiimayntiisu ay tahay 8/10, halka Jack Grealish oo ah ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda Ingiriisku aan illaa hadda laga haynin wax u dhigma lacagtii ay Man City kaga soo iibsatay Aston Villa oo ahayd £100.5 milyan oo Gini, waxaana kaliya qiimayntiisu ay tahay 7/10.
Halkan kaga bogo qiimaynta 10ka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu qaalisanaa:
10. Raheem Sterling: £48 milyan oo Gini
Manchester City => Chelsea (2022/23)
Qiimaynta: 5/10
9. Ben White: £50 milyan oo Gini
Brighton => Arsenal (2021/22)
Qiimaynta: 8/10
8. Raheem Sterling: £54.4 milyan oo Gini
Liverpool => Manchester City (2015/16)
Qiimaynta: 8/10
7. Mason Mount: £59.4 milyan oo Gini
Chelsea => Manchester United (2023/24)
Qiimaynta: 4/10
6. Jadon Sancho: £72.6 milyan oo Gini
Borussia Dortmund => Manchester United (2021/22)
Qiimaynta: 3/10
5. Harry Maguire: £74.4 milyan oo Gini
Leicester City => Manchester United (2019/20)
Qiimaynta: 6/10
4. Harry Kane: £81.2 milyan oo Gini
Tottenham Hotspur => Bayern Munich (2023/24)
Qiimaynta: 8/10
3. Jude Bellingham: £88 milyan oo Gini
Borussia Dortmund => Real Madrid (2023/24)
Qiimaynta: 9/10
2. Declan Rice: £99.7 milyan oo Gini
West Ham United => Arsenal (2023/24)
Qiimaynta: 8/10
1. Jack Grealish: £100.5 milyan oo Gini
Aston Villa => Manchester City (2021/22)
Qiimaynta: 7/10