Xiddigii Chelsea ka caawiyey inay ku guuleysato tartanka Champions League sannadkii 2021 ee Thiago Silva ayaa iskaga tegi doona kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedkan, isaga oo ku bixi doona bilaash marka uu dhamaado qandaraaskiisu bisha June.
Thiago Silva oo khibrawd ku kabay ciyaartoydii da’yarta u badnaa ee Chelsea markii uu sannadkii 2020 kaga soo biiray Paris Saint-Germain, ayaa waxa uu go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisa kooxda reer London oo uu oohin garoonka la dhax-fadhiistay Sabtidii markii ay soo afjarantay fursaddii ugu dambaysay ee uu koob ugula guuleysan karayey xilli-ciyaareedkan isla markaana ay Man City ka reebtay tartanka FA Cup.
39 jirkan ayaa Chelsea u saftay 149 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu oqrshihiisu yahay inuu dib ugu laabto waddankiisii Brazil oo uu kasii wado xirfadda kubadda cagta isaga oo ku biiri doona naadigiisii hore ee Fluminense inkasta oo aanu wali shaacin.
Chelsea ayaan war rasmi ah kasoo saarin go’aanka uu gaadhay ruug-caddaagooda difaacu, laakiin taageereyaasha ayaa falcelin ay ka sameeyeen arrintan waxa ay Thiago Silva ku tilmaameen difaacii dhexe ee ugu wanaagsanaa ee abid soo mara, iyagoo ka sarraysiiyey John Terry iyo xiddigo kale oo hore ugu suntanaa inay ahaayeen kuwa ugu fiicnaa ee usoo ciyaaray kooxdooda.