Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay ka fiirsanayso inay dalbato in lagu celiyo ciyaartii El Clasico ee Real Madrid kaddib markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ceebtii ka dhacday kulankaas oo indhaha kusoo jeedisay horyaalka LaLiga.
Barcelona ayaa laga diiday gool uu u dhaliyey Lamine Yamal iyadoo kubaddu u muuqanaysay inay ka gudubtay xariiqda goolka, waxaana muranka keenay in horyaalka LaLiga aan laga isticmaalin aaladda sheegta goolka ee ‘Goal Line Technology’.
Warbaahinta adduunyada ayaa si weyn u hadal-haysay dhacdadan oo keentay in Barcelona lagaga badiyo 3-2, taas oo keentay in Real Madrid ay 11 dhibcood ku hayaan hoggaanka horyaalka oo ay lix ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga lasoo gabogabaynayo.
Barcelona oo Andreas Christensen uu goolka koowaad u dhaliyey daqiiqaddii lixaad ayaa waxa barbarreeyey Vinicius Junior oo rikoodhe u saxeexay Real Madrid, balse waxyar kaddib ayuu Lamine Yamal darbad ku toogtay goolka waxaana kubadda oo laynka kasii gudbaysay gacanta la helay goolhaye Andriy Lunin oo qabtay, waxaana halkaas ka dhalatay dood la xidhiidhay goolkan.
VAR oo daqiiqado hubinaysay ayaa garsooraha dhexe ku raacday go’aanka ah in aanay kubaddu ka gudbin xariiqda.
🚨💥 Analysis of the ghost goal in Real Madrid – Barcelona done by Archivo VAR
👉🏻 It can be seen that the ball clearly crosses the line entirely and IT'S A GOAL.
pic.twitter.com/ZTr8Yi6eXW— All Sportz 🏀⚽ (@Allsportztv) April 22, 2024
Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay caddaalad-darro ku dhacday kooxdiisa, waxaana uu xaqiijiyey in ay ka fiirsanayaan in lagu celiyo ciyaartaas, isaga oo sidoo kalena xusay inay u gudbiyeen guddida garsoorka in aanay ku qanacsanayn wixii dhacay ciyaartaas, adduunyada oo dhanna ku waafaqsan tahay arrintan.