Tababaraha kooxda kubadda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa jabiyey sharciga iyo hab-raacyada nidaamka UEFA kaddib markiiay kooxdiisu xalay rikoodheyaasha ku garaacday Manchester City oo ay ka reebtay tartanka Champions League.
Real Madrid ayaa iska xaadirisay Semi-finalka Champions League oo ay ku ballansan yihiin Bayern Munich oo iyaduna soo dhaaftay Arsenal.
Etihad Stadium oo ay Manchester City siday doonto kubadda ugu daadahaynaysay, isla markaana 33 jeer ay toogatay goolka Real Madrid ayay hal mar oo kaliya shabaqa soo taabatay isla markaana rikoodheyaashii ay ka lumiyeen Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic.
Rela Madrid ayaa markii 15aad doonaysa inay ku guuleysato tartanka Champions League, waxaana farxaddii xalay sharciga jabiyey Carlo Ancelotti oo illoobay inuu tago shirka jaraa’id ee ay tababareyaashu qabtaan kaddib kulamada.
Sharciga UEFA ayaa waxa uu sheegayaa, in tababareyaasa ay waajib ku tahay in 20 daqiiqadood kaddib ciyaarta ay yimaaddaan goobta loogu talo-galay shirka jaraa’id ee gudaha garoonka oo uu kula hadlo saxaafadda.
Wariyaha ciyaaraha Richard Martin ayaa sheegay, in Carlo Ancelotti aanu fulinin amarka UEFA, isla markaana uu ciyaartoyda kooxdiisa dabbaal-degga farxada la qaybsanayay.
UEFA ayaa go’aan ka gaadhi doonta Carlo Ancelotti waxaana la filayaa in lagu ridi doono ganaax isaga iyo kooxdiisaba.