Davide Ancelotti oo ah tababare ku-xigeenka Real Madrid, waa 34 jir uu dhalay tababare Carlo Ancelotti laakiin waqti horeba waxa uu ka mid noqday khubarada kubadda cagta ee la rumaysan yahay in ay noqon doonaan macallimiinta mustaqalka hagi doonta kooxaha waaweyn.
Waraysi uu Davide Ancelotti siiyey wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa uu kaga sheekeeyey falsafadda Zinedine Zidane iyo sirta ka dambaysa guulaha uu ku gaadhay muddadii uu joogay Real Madrid oo uu u qaaday saddex Champions League oo xidhiidh ahaa iyo koobab kale oo iskugu jira horyaalka LaLiga iyo kuwo kale.
Markii ugu horreysay ee uu Davide Ancelotti la kulmay Zidane waxay ahayd xilli-cyaareedkii 2013/14 oo uu Zidane gacanyare ama tababare ku-xigeen u ahaa Carlo Ancelotti, waxaana isaga oo ka sheekaynaya waxyaabaha uu ku arkay uu yidhi: “Zidane inta badan ma hadlo, sababtoo ah wuu xishoodaa, laakiin kalmadihiisu waxay gaadhaan quluubta ciyaartoyda. Waa sida aabbahay oo kale, waayo waxa uu leeyahay awood uu kooxdiisa iyo waxyaabaha ku xeeran kaga dhigo mid fiican oo aanu buuq ka jirin.|
Davide Ancelotti oo la weydiiyey haddii uu jiro ciyaartoy hadda dheela kubadda cagta oo sida Zidane oo kale noqon karaya tababare wanaagsan, ayaa ku jawaabay: “Waa Kroos. Hadda ayuu yahay tababare wanaagsan. Waxa uu si fiican ciyaartoyda ugu sharrixi karayaa sida loo waajahayo Manchester City.
L’Equipe ayaa wax ka weydiiyey Davide labada ciyaartoy ee reer France ee Tchouameni iyo Camavinga, waxaanu yidhi: “Labadooduba ma jecla inay ka ciyaaraan difaaca, haddana sidaas oo ay tahay waxa xiise leh sida ay horumar uga sameeyaan marka ay difaaca ka ciyaarayaan. Waxay u gaajaysan yihiin inay wax bartaan.”