Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Pedri oo sameeyey caawin cajiib ahayd oo kooxdiisa sabab ugu noqotay in ay 3-2 ku garaacdo PSG, ayaa shaaciyey wixii uu tababare Xavi Hernandez u sheegay ka hor intii aanu beddelka kusoo gelin ciyaartii xalay.
Barcelona oo u muuqanaysay inay diciiftay ayaa heshay awood markii uu Pedri soo galay garoonka, waxaana kubbad uu khadka dhexe ka tuuray uu lugta u saaray Raphinha oo ciyaarta ka dhigay 2-2, halka goolka saddexaad oo uu u saxeexay Andreas Christensen oo ahaa koorne uu soo tuuray Ilkay Gundogan uu isagana qayb ka qaatay Pedri.
21 jirkan oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo saddex bilood ah u jiifay, ayaa saxaafadda la wadaagay hadalladii uu Xavi Hernandez u sheegay iyo tilmaamihii uu soo siiyey markii uu garoonka soo gelayey ee sababta u noqday in ay ciyaartu isbeddesho, waxaanu yidhi: “Xavi waxa uu ii sheegay in aan kaliya diyaar u ahaado in aan maskaxdayda isticmaalo oo aan kooxda wax kusoo kordhiyo. Waxa uu doonayey in uu hore noo riixo si aanu guul uga keeno Paris, garoonkana ugu gacan sarrayno.
“Run ahaantii waxa aan garoonka lasoo galay hammuun ah in aan kooxdayda caawiyo, baaskii aan u dhiibay Raphinha na waxa uu noqday gool qurux badan. Labada tababareba waxa ay doonayeen inay ku ciyaaraan weerar, kubbad cadaadis badan, waana kubadda aynu jecel nahay.”
Si kastaba ha ahaatee, Pedri ayaa waxa uu kaliya garoonka ku jiray saacad-badhkeed, waxaana uu dhamaystiray 17 kubbadood oo baasas ahaa oo uu u dhiibay ciyaartoygii uu la doonayey, waxaana ku jiray hal baas oo halis ahaa iyo mid dheer oo uu meel fog ka tuuray oo sabab u ahaa goolka barbarraha.
Waxa kale oo uu ku guuleystay afar kubbadood oo ay ku loollameen ciyaartoyda PSG oo uu kaga itaal-roonaaday, sidoo kalena waxa uu sameeyey saddex taakal oo uu ku joojiyey kubbado halis gelin lahaa goolkiisa.