Taageerayaasha Premier League ayaa si aad ah u careysan ka dib markii kulamada Champions League ee Arsenal iyo Manchester City lagu jadwaleeyay inay dhacaan hal habeen.
Wareega 8da Champions League, Gunners waxay wajihi doontaa Bayern Munich iyadoo lugta hore ay ka dhaceyso Emirates Stadium. Halka City ay la ciyaari doonto Real Madrid xilli ciyaareedkii seddexaad oo isku xigta.
Kooxda Pep Guardiola waxay marti ku noqon doonaan Santiago Bernabeu lugta hore. Labadaan kulan kooxihii ka soo baxa waxay isku arki doonaan semi-finalka.
Si kastaba, taageerayaasha rajeynayay inay daawadaan labada kulan ee adag ayaa niyadjab la kulmay ka dib markii la soo saaray jadwalka wareega 8da. Kulamada Arsenal vs Bayern Munich iyo Real Madrid vs Man City waxay dhici doonaan hal habeen oo ah Talaadada 9ka bisha April halka lugta labaad ay dhici doonto Arbacada 17ka April.
Kulamada kale ee wareega 8da – Atletico Madrid vs Borussia Dortmund and Paris St-Germain v Barcelona – waxay dhici doonaan 10ka April oo lugta hore ah iyo 16ka April oo lugta labaad ah.
Jadwalkaan ayaana ka careysiiyay taageerayaasha, iyadoo taageere uu soo qoray: ““Arsenal vs Bayern iyo Real Madrid vs Man City oo hal habeen ciyaaraya!! Alla maxay go’aan doqonimo ah sameeyeen UEFA. Dabcan boliiska Isbaanishka ayaa codsaday in Real & Atletico aysan hal hebeen wada dheelin, waana wax la fahmi karo laakiin UEFA waxay aheyd inay kulanka Atletico Madrid kala wareejiso sida ay ku sameeyeen Inter sannadkii hore.”
Mid kale ayaa weydiiyay: “Waa maxay sababtay ay UEFA hal habeen uga dhigtay kulamada Arsenal vs Bayern iyo Man City vs Real Madrid? Waa wax laga caroodo.” Mid seddexaad ayaa yiri: “Gabi ahaanba waa fadeexad inay Arsenal v Bayern & Madrid v City ay hal habeen ka dhigeen.”