Kulamada wareegga 16ka tartanka Champions League ayaa lasoo gabogabaynayaa toddobaadkan iyadoo caawa oo Salaasa ah iyo Arbacada habeen dambe ay soo gudbi doonaan afarta kooxood ee ugu dambeeya ee la sugayey, si ay u dhamaystirmaan siddeed naadi oo qori-tuur loo samayn doono.
Kooxda tartanka difaacanaysa ee Manchester City ayaa mar horeba si raaxo leh ugu soo gudubtay wareegga siddeedda, waxaana sidoo kale iska xaadiriyey marxaladdan Real Madrid, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.
Waxa la sugayaa inay caawa iyo habeen dambe soo kala baxaan siddeed kooxood oo ay afar ka mid ah soo raaci doonaan naadiyadan sare ku xusan, kaddibna waxa loo diyaar-garoobi doonaa isku-aadka marxaladda siddeedda oo lagu sii jeexi doono dariiqa la marayo illaa ciyaarta ugu dambaysa ee finalka.
Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga siddeedda Champions League?
Kulamada wareegga siddeedda Champions League waxa la samayn doonaa maalinta Jimcaha ee March 15 oo ay masuuliyiin ka socota siddeedda naadi ee soo gudbay ay iskugu tegi doonaan hoyga ciyaaraha Yurub ee ‘House of European Football’ ee ku yaalla magaalada Nyon ee waddanka Switzerland.
Isku-aadka ayaa dhici doona isla maalinta Jimcaha marka ay saacadda Geeska Afrika tahay abbaaro 2pm (duhurka kaddib), waxaanad xogta kala socon doontaan Laacib iyo Gool24.
Yaa illaa hadda soo gudbay?
Illaa hadda waxa boosaskooda wareegga siddeedda xaqiijistay afarta kooxood ee kala ah:
- Manchester City
- Bayern Munich
- Paris Saint-Germain
- Real Madrid
Yaa ka sugayaa inay soo kala-baxaan, maxayse kusoo dhamaatay lugtii hore?
- Arsenal vs Porto [0-1]
- Barcelona vs Napoli [1-1]
- Borussia Dortmund vs PSV [1-1]
- Atletico Madrid vs Inter Milan [0-1]
Miyey jiraan kooxo la kala ilaalinayo?
Marka lasoo gaadho wareegga siddeedda, ma jiraan kooxo isku waddan ah oo uu sharcigu kala ilaalinayo inay isku-dhacaan, sidoo kalena ma jiraan naadiyo isku hormo kasoo baxay oo la diidayo inay kulmaan.
Tusaale ahaan, Arsenal ayaa haddii ay soo gudubto waxa ay ku beegmi kartaa Manchester City oo ay ka wada dhisan yihiin horyaalka Ingiriiska ee Premier League.