Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa farta ku fiiqay xiddig ka tirsan kooxdaas oo sameeyey waxa uu ugu yeedhay ‘dembi’ intii ay socotay ciyaartii Manchester City ee Axaddii, taas oo lagu karbaasay 3-1.
Paul Scholes oo ka mid ahaa falanqeeyeyaasha ciyaarta ee telefishanka Sky Sports, ayaa waxa uu canaan kula dul-dhacay xiddiga reer Brazil ee Casemiro oo uu ku eedeeyey in qalad difaac oo uu sameeyey uu sabab u ahaa goolka labaad ee Manchester City ee uu kubadda xerada ganaaxa lasoo galay Phil Foden.
Foden oo kubbad isku-dhiib ah ay wada ciyaareen Julian Alvarez ayaa usoo dhaqaaqay dhinaca xerada ganaaxa United, waxaana uu halkaas ka helay kubbad uu soo farsameeyey Alvarez, taas oo uu si fudud u weydaariyey goolhaye Andre Onana.
Shcoles ayaa ciyaarta kaddib waxa uu canaan u miisay Casemiro oo uu sheegay in uu sameeyey qalad dembi ahaa, waxaanu yidhi: “Bal eeg Casemiro markii ay baaska isku dhiibayeen Foden iyo Alvarez.
“Waxa uu joogaa boos difaac, waa kubbad-burburiye, in uu waxaa sameeyaana waa dembi. Ma aha inuu intaas oo kale ka fogaado. Marka aad eegto khibradda uu leeyahay, ma ahayn in kubbad noocaas ah la iskugu dhiibo halkaas.”
Phil Foden ayaa goolka hore ee uu ciyaarta ku barbarreeyey waxa uu kubadda kala soo galay dhinaca midig ka hor intii aanu darbad xooggan ku tooganin goolka taas oo aanu goolhaye Onana helin wax fursad ah oo uu ku badbaadin karo. Goolka labaadna waxa uu ahaa midka uu Paul Scholes ku eedaynayo Casemiro, halka goolka saddexaadna uu dhaliyey Erling Haaland oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Sofyan Amrabat oo kubbad uu kasoo xoogay Rodri loogu dhiibay xerada ganaaxa.