Sida ay sheegtay jariirada Jarmalka ee Bild, Zidane Zidane ayaa ugu cadcad inuu tababare ka noqdo Bayern Munich xilli ciyaareedka soo socda isagoo bedelaya Thomas Tuchel.
Zinedine Zidane ayaa bilaa shaqo ah seddexdii sannadood ee ugu danbeysay ka dib markii uu iska casilay shaqada Real Madrid oo uu labo jeer qabtay.
Mudadii uu joogay Madrid wuxuu ku Zidane ku guuleystay 11 koob oo ay ku jirto seddex Champions League iyo labo koob oo horyaalka La Liga ah.
Sida ay daabacday Bild, waxaa jirta suurtogalnimo uu Zidane ugu biiri karo Bayern Munich isagoo noqonaya tababarahooda cusub xilli ciyaareedka 2024.-24.
Waxaa intaas sii dheer in Franck Ribery uu ka dhiganayo caawiyihiisa. Ribery oo ah halyeey Bayern Munich ayaa haatan joogay kooxda Salernitana.
Thomas Tuchel ayaa ka tagi doona shaqada tababare ee Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku fashilmay shaqadiisa. Waxaa horyaalka Bundesliga u awood sheegatay Bayer Leverkusen oo qarka u saaran inay ku guuleysato.
Bayern oo markii hore dooneysay Xabi Alonso ayaa haatan u jiheysatay dhanka Zidane madaama Alonso uu shaaciyay inuu sii joogayo Bayer Leverkusen.