Garsooraha Talyaaniga ah ee Daniele Orsato ayaa garoonka dhaxdiisa ku ooyey markii uu yeedhiyey siidhiga dhamaadka ciyaartii PSG iyo Borussia Dortmund ee xalay, taas oo ay Dortmund ugu gudubtay finalka Champions League.
Daniele Orsato oo ka mid ah garsooreyaasha ugu fiican kubadda cagta waqtigan, isla markaana ah nin deggen oo go’aamadiisa aanay ka hor imanin ciyaartoyda iyo taageereyaashu, ayaa indhaha is-qabtay, kaddibna foorsaday si uu iskaga tirtiro ilmada oo dabnihiisa soo gaadhay, waxaanay taasi ka qiiraysiisay taageereyaasha kubadda cagta.
Ma jirin dad badan oo ogaa waxyaabaha u qarsoon ee uu Daniele Orsato garoonka lasoo galay iyaga oo uurkiisa gubaya, laakiin waxa dareenka qiirada leh ay taageereyaashu la qaybsadeen markii ay arkeen isaga oo ooyaya.
Daniele Orsato oo shaqadiisa garsoorku ay gaadhay figta ugu sarraysa markii uu go’aamo cajiib ahaa oo aanay dood ka imanin ka qaatay finalkii Champions League ee 2020 oo ay Paris Saint-Germain iyo PSG ku dheeleen garoonka Estadio Da Luz oo aanay wax taageereyaal ah joogin, ayaa waxa uu si lama filaan ah u qaatay go’aan ah inuu joojiyo shaqada garsoorka.
45 jirkan oo dhawr sannadood ku guuleystay garsooraha ugu wanaagsan dunida oo canaan badan ku mutaystay casaan uu siiyey Paul Pogba sannadkii 2019 kulan ay dheelayeen Manchester United iyo PSG, ayaa waxa sidoo kale uu canaan kala kulmay Luka Modric intii uu socday Koobkii Adduunka ee Qatar, kaddib markii uu saluugay go’aamadiisa semi-finalkii Argentina vs Croatia, markaas oo uu xulka Argentina u dhigay rikoodhe.