Halyeyga Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa soo xushay shaxda kooxdiisa ugu fiican, waxaana uu ka tegay ciyaartooyo ay guulo badan soo wada gaadheen, gaar ahaan saaxiibkiisii xulka qaranka Brazil ee Rivaldo oo uu ka saaray liiska kooxdiisa.
Ronaldo ayaa dib usoo xasuustay qarniyo hore oo qaarkood aanu isaguba soo gaadhin markii ay ciyaarayeen sida Pele, hase yeeshee waxa uu safkiisa kusoo daray mucjisadii reer Argentine ee Diego Armando Maradona oo dunida haysay waqtigii uu Ronaldo bilaabay xirfadda kubadda cagta.
Saddex ciyaartoy oo kaliya ayuu Ronaldo kasoo qaatay xiddigihii reer Brazil, waana labada difaac ee dhinacyada ee Cafu iyo Roberto Carlos, iyo laacibka kale oo ah halyeygii dalkoda ee Pele halka isaguna uu is-geeyey afka hore ee weerarka.
Ronaldo Nazario ayaa waxa uu goolka u doortay goolhayihii xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Buffon oo usoo ciyaaray kooxaha Parma, Juventus iyo PSG, waxaana uu ku xigsiiyey difaacyahannadii Talyaaniga ee Paulo Maldini oo AC Milan u dheeli jiray iyo Fabio Cannavaro oo usoo ciyaaray kooxaha Napoli, Parma, Inter, Juventus, Real Madrid, Al-Ahli iyo Bengal Tuskers.
Difaaca midig ayuu geeyey Cafu oo usoo dheelay Sao Paulo, Real Zaragoza, Juventude, Palmeiras, AS Roma iyo AC Milan iyo Roberto Carlos oo isaguna usoo ciyaaray kooxaha Union Sao Joao, Atletico-MG, Palmeiras, Inter, Real Madrid, Fenerbahce, Corinthians, Anzhi, Delhi Dynamos.
Khadka dhexe ayuu Ronaldo u doortay halyeyga reer France ee Zinedine Zidane oo ay usoo wada ciyaareen Real Madrid, laakiin sidoo kale waqti kusoo qaatay Cannes, Bordeaux iyo Juventus. Waxa kale oo uu ku lammaanaysiiyey haleyga Argentina iyo kooxaha Argentinos Jrs., Boca Juniors, Barcelona, Napoli, Sevilla iyo Newell’s Old Boys ee Diego Armando Maradona iyo waliba halyeygii Brazil ee Pele oo waqtigiisa ciyaareed kusoo qaatay labada kooxood ee Santos, New York Cosmos.
Weerarka ayaa waxa uu Ronaldo u xushay isaga naf ahaantiisa oo waqtigiisii ciyaareed kusoo qaatay Sao Cristovao, Cruzeiro, PSV, Barcelona, Inter, Real Madrid, AC Milan, Corinthians. Lionel Messi oo usoo dheelay Barcelona, PSG iyo Inter Miami oo uu hadda ku sugan yahay iyo Cristiano Ronaldo oo waqtigiisa kusoo qaatay Sporting, Manchester United, Real Madrid, Juventus iyo Al-Nassr oo uu hadda u ciyaaro.
Shaxda Ronaldo Nazario, waxa kaliya oo hadda garoomada kusii jira oo ciyaara Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, halka Pele iyo Maradona ay geeriyoodeen.
Waatan shaxda Ronaldo Nazario
Goolhaye: Gianluigi Buffon
Difaaca: Cafu, Paolo Maldini, Fabio Cannavaro iyo Roberto Carlos
Khadka dhexe: Zinedine Zidane, Diego Maradona iyo Pele
Weerarka: Lionel Messi (garabka midig), Ronaldo Nazario (weerarka dhexe / No.9) iyo Cristiano Ronaldo (garabka bidix)