Martín Palermo ayaa leh xusuus gaar ah oo aysan ilaawi doonin taageerayaasha Boca Juniors.
Waxa uu sidoo kale haystaa mid ka mid ah rikoorada ugu caansan ee taariikhda Copa América hore looma diiwaan galin rikoorkaan oo kale.
Dabcan, Xiddigaan isagoo xulka qaranka Argentina katirsan wuxuu lumiyay seddex rigoore hal kulan oo kaliya ( cajiib )
Palermo ayaa soo gaartay masraxa weyn ee ciyaartu ka dhaceysay isagoo ahaa gooldhaliyaha ugu weyn xulka Argentine oo ay waqtigaas ka buuxeen ciyaartoyda kooxda faca weyn ee Boca Juniors.
Habeenkaas wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, July 4, 1999 ayay aheyd, markii isagoo Colombia wajahaya saddex rigoore hal kulan qasaariyay.
Palermo ayaa lumiyay dhammaan seddexdii rigoore ee lagu abaalmariyay xulka lagu naynaaso Albiceleste oo guuldarreystay habeenkaas.
Colombia ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed taariikhi ah kadib markii ay 3-0 ku garaacday Argentina, halka Martín Palermo uu u dulqaatay habeen aad u xun oo magaciisa lagu daray buuga Guinness World Records.