Arsenal ayaa ku soo laabatay hogaanka Premier League ka dib markii ay xalay 3-0 kaga badiyeen kooxda Brighton oo marti loo ahaa.
Goolal ay kala dhaliyeen Bukayo Saka, Kai Havertz iyo Trossard ayay Arsenal guusha ku xaqiijisatay iyagoo hal dhibic hogaanka kaga haya Liverpool oo caawa la ciyaareysa kooxda Manchester United.
XOGTII LOO DIIWAANGELIYAY GUNNERS:
Farqiga goolasha Arsenal ee haatan waa +51 waana tiradii ugu sareysay ee ay gaaraan horyaalka Premier League tan iyo maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedkii 2004-05 oo sidoo kale aheyd +51.
Arsenal ayaa shabaqa ilaashatay shan kulan oo isku xigta oo marti ahaayeen horyaalka Premier League markii ugu horeysay tan uyo bishii April 1997kii, halka ay sidoo kale yihiin kooxdii ugu horeysay ee sidaan sameysa horyaalka Premier League tan iyo Manchester City bishii April 2022kii iyagoo sidoo kale shan kulan shabaqa ilaashaday.
Xiddiga Arsenal Bukayo Saka ayaa dhaliyay 14 gool 29 kulan oo Premier League uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, wuxuu barbareeyay rikoodhkiisa xilli ciyaareedkii uu ugu goolasha badnaa horyaalka isagoo 14 gool dhaliyay 38 kulan uu saftay xilli ciyaareedkii 2022-23.
XIDDIGA GAROONKA:
Kai Havertz (Arsenal) – Xiddiga Jarmalka ayaa mar loo arkayay inuu yahay saxiixii ugu xumaa Arsenal laakiin todobaadyadii ugu danbeeyay wuxuu noqday hubka qarsoon ee Mikel Arteta, kulankii xalay waxa uu ahaa xiddigii go’aamiyay natiijada isagoo shabaqa soo taabtay islamarkaana caawiye noqday.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Brighton: Verbruggen (7), Lamptey (5), Van Hecke (5), Dunk (5), Estupinan (5), Gross (6), Baleba (6), Moder (6), Enciso (7), Adingra (6), Welbeck (6).
Bedel: Buonanotte (6), Pedro (6), Fati (6).
Arsenal: Raya (7), White (7), Saliba (7), Gabriel (7), Zinchenko (5), Odegaard (7), Rice (7), Jorginho (7), Saka (7), Havertz (8), Jesus (7).
Bedel: Trossard (7), Martinelli (6), Tomiyasu (6), Nketiah (n/a), Vieira (n/a).