Waxaan is barbar dhignay xogta Phil Foden, Bukayo Saka iyo Cole Palmer ee xilli ciyaareedkan, waxaana jira guuleyste cad.
England waa mid ka mid ah xulalka ugu cadcad inay ku guuleystaan Koobka Qaramada Yurub ee Jarmalka xagaagan ka dhacaya, waana ay fududahay in la arko sababta.
Gareth Southgate waxa uu haystaa koox tayo sare leh oo ay ku jiraan koox ciyaartoy ah oo da’yar kuwaas oo qaab ciyaareed wanaagsan u soo bandhigaya kooxahooda Premier League todobaad walba.
Bukayo Saka, Cole Palmer iyo Phil Foden waa seddex ka mid ah weeraryahanada ugu tayada wanaagsan da’yarta England ee abid soo saartay.
Foden ayaa Axadii soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah isagoo labo gool dhaliyay kulankii Manchester City ay 3-1 kaga badisay dariskeeda Manchester United.
Kulankaas kadib Pep Guardiola ayaa ku dooday in xiddigiisa da’da yar uu yahay xiddiga ugu fiican Premier League.
Laakiin iyada oo Saka iyo Palmer ay sidoo kale wacdarro u dhigayaan Arsenal iyo Chelsea, waxay keeneysaa su’aasha ah: Waa kee kan ugu fiican?
Hadaba, jawaabtu waa caddahay.
Saka ayaa dhaliyay 13 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, halka Foden uu shabaqa soo taabtay 11 jeer iyadoo Palmer uu dhaliyay 10 gool.
Si kastaba ha ahaatee, dhamaan 11-ka gool ee Foden waxa ay ahaayeen kubad furan, halka afar ka mid ah goolasha Saka iyo shan ka mid ah kuwa Palmer ay ahaayeen rigoore.
Palmer iyo Saka ayaa caan ku ah inay kubada ku garaacaan daafacyada, laakiin Foden ayaa runtii sameeyay wax ka badan xilli ciyaareedkan.
90kii daqiiqaba Foden wuxuu ku guuleystay inuu kubada daafac la garab maro 52.17 boqolkiiba, iyadoo Saka loo diiwangeliyay 44.87 iyo Palmer 48.39.
Dhanka difaacashada Foden ayaa ah mid inta badan la iska indho tiro, laakiin waa mid ka dhigeysa xiddigaha ugu muhiimsan ee Pep Guardiola.
Foden ayaa wuxuu ku guuleystay boqolkiiba 54.21 kubadihii uu raacday xilli ciyaareedkan waana in ka badan labada xiddig ee kale Saka (50.57) iyo Palmer (41.06).
Foden ayaa isku dayay oo dhamaystiray baasas ka badan xiddigaha kale 90kii daqiiqaba, iyadoo sugnaanshaha baasaska Foden ay yihiin boqolkiiba 88.7 halka Saka loo diiwaangeliyay boqolkiiba 83.4 iyadoo Palmer loo diiwaangeliyay 84.48.
Saddexduba waa ciyaartoy aad u fiican, waxayna door muhiim ah ka ciyaari doonaan xulka England Euro 2024.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga jawaabayo su’aasha ah yaa fiican, xiddiga Man City Foden ayaa ah midka ugu fiican ee banaanka ku dhacay.