Laba ciyaartoy oo Manchester United ah ayaa lagu tilmaamay inay halis ku yihiin kooxdooda, kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Axaddii kala kulmeen Manchester City oo ay ku booqdeen Etihad Stadium.
Manchester City ayaa 3-1 kusoo dubatay Man United si aanay fursad ay kaga baxsato u siinin Liverpool oo hadda hal dhibic ka sarraysa, isla markaana ay Axadda soo socota wada ciyaari doonaan.
Khabiirka tifaftirka wargeyska Manchester Evening News ee Samuel Luckhurst ayaa ciyaarta kaddib waxa uu qormo ku falanqeeyey ciyaartoyda Manchester United, waxaana uu si gaar ah u calaamadiyey laba ciyaartoy oo uu sheegay inay halis ku yihiin kooxdooda isla markaana ay dilayaan natiijooyinkii laga filan karayey inay kooxdoodu ka hesho garoomada.
Samuel Luckhurst ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Antony iyo Sofyan Amrabat waxay khatar ku ahaayeen kooxdooda tan iyo markii ay yimaaddeen naadiga, inta badan xilli-ciyaareedkana sidaas ayay ahaayeen.”
Garabka weerarka Brazil ee Antony ayaa beddelay Marcus Rashford daqiiqaddii 75aad, laakiin waxa uu ku fashilmay inuu wax saamayn ah ku yeesho ciyaarta.
Sidoo kale, Sofyan Amrabat ayaa beddel kusoo galay dhamaadka ciyaarta oo ay siddeed daqiiqadood ka hadhsan tahay waxaana uu beddelay Kobbie Mainoo hase yeeshee laacibka reer Morocco ayaa sameeyey qalad sababay goolka saddexaad kaddib markii uu Rodri ka boobay kubaddii uu goolka u beddelay Erling Haaland.