Goolhayaha Liverpool Alisson ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado lix isbuuc ka dib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray kulankii Liverpool 1-0 uga adkaatay Crystal Palace.
Allison ayaa ku qasbanaaday in uu ciyaarta ka baxo daqiiqadaha dambe ee ciyaarta.
Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in uusan soo laaban doonin kadib ilaa fasaxa caalamiga ah ee bisha soo socota.
Dhaawacan ayaa ku soo beegmaya xilli kooxda ay wajaheyso kulamo waaweyn sida Chelsea, Arsenal, Brighton, iyo Aston Villa iyo kulan Carabao Cup ah oo ay la ciyaari doonaan Brighton, halka ay Champions League wajihi doonaan RB Leipzig iyo Bayer Leverkusen.
Haddii soo kabsashada Alisson ay qaadato waqti dheer, waxaa laga yaabaa inuu sidoo kale seego kulanka Real Madrid, kaasoo loo qorsheeyay seddex maalmood ka dib soo laabashadiisa la filayo kulanka Southampton ee dhici doona 24ka November.
Caoimhin Kelleher oo xanuun ku seegay kulankii Palace ayay u badan tahay in buuxin doono booska Allison kulamada muhiimka ah ee kooxda kusoo wajahan.
Goolhayaha saddexaad Vitezslav Jaros ayaa tobankii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaaray kulankii Crystal Palace. Waxa uuna muujiyay kalsooni iyo dedaal asagoo ilaashay shabaqiisa kulankaas.
Liverpool ayaa Giorgi Mamardashvili kala soo wareegtay Valencia, laakiin kama soo muuqan doono kooxda ilaa xilli ciyaareedka 2025/26 maadaama uu haatan amaah ku maqan yahay.
Tababaraha Liverpool Arne Slot, ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo kooxda, isagoo ku ammaanay Alisson inuu yahay goolhayaha ugu fiican adduunka, laakiin wuxuu u xaqiijiyay taageerayaasha in Kelleher, oo ah goolhayaha 2-aad uu isna awood u leeyahay in uu boos joogto ah ka heli karo kooxda. Waxa uu ku farxay in goolhayahooda saddexaad uu sameeyay bandhig wanaagsan kulankii Crystal Palace.